Tuesday, December 23, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gobolka Banaadir oo qeyb ka ah abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
4 months ago
in Wararka
0
Gobolka Banaadir oo qeyb ka ah abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO: Todobaadyadii u dambeeyay waxaa gudaha dalka ,gar ahaan gobolada Hiiraan,Sh.Dhexe, Sh/Hoose, Gaakgaduud iyo kuwo kale ka socday abaabullo iyo diyaargarow dagaal oo la doonayo in lagu xoreeyo deegaanno kamid ah goboladaasi oo kooxaha khawaarijta ay ka wadaan falal lagu  dhibaateynayo dadka shacabka

Abaabuladaan dagaal ayaa daba socda qorsho howleed ka yimid Madaxweyne Xasan Sheekh ,kaas oo la doonayo in laga ciribtiro kooxaha argagixisada ee caadeystay in ay ku naaxaan lacagaha baadda ah ee ay ka qaadaan dadka rayidka ah,gaar ahaan beeraleyda iyo kuwa xoolo dhaqatada.

Related posts

Xildhibaanada labada Aqal ee oo ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026

Xildhibaanada labada Aqal ee oo ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026

December 23, 2025
Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

December 23, 2025

Warar soo baxaya ayaa sheegay in saraakiisha ciidamada ee ku sugan Hiiraan , Gaalgaduud iyo labadaShabeelle ay u diyaargaroobeen dagaal ka dhan ah nabad-diidka,waxaana ka g’an saraakiishaasi sidii deegaanadaasi looga saari lahaa kooxaha Al-Shabaab,isla markaana loo badbaadin lahaa bulshada halkaasi,

Waxaa muuqda in diyaargarowga iyo howlgalada ciidanka ee xilligaan lagu saleeyay qorshaha dhamaadka Al-Shabaab,maadaama la helay muwaadiniin badan oo diyaar u ah in ay u istaagaan dagaal toos ah oo naf hurnimo ah oo lala galo kooxaha khawaarijta.

Maalmihii u dameeyay waxaa magalada caasimadda ah ka socday dhaq-dhaqaaq ay wadaan maamulka Gobolka Banaadir,kaas oo ku aadanaa sidii ay qeyb uga noqon lahaayeen abaabulka loogu jiro in mar kale loo howlgalo dagaal lagu sifeynayo maleeshiyaadka ku sugan deegaanno kooban.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab),ayaa dhowaan kulan dhiirigaslin ah la qaatay ciidanka ku jira xerada Qorillowo iyo kuwa deegaanka Xaluulle oo ay joogaan boqolaal macisleey ah oo ka soo jeeda Warshiikh.

Guddoomiyaha oo la hadlay ciidankaasi iyo kuwa macawisleeyda ah ayaa u sheegay in maamulkiisa uu garab buuxa siinayo ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka ee ka qaybgalaya hawlgallada dalka looga sifeynayo maleeshiyaadka naf-la-caariga ah ee argagixisada Al-Shabaab.

Muungaab oo sidoo kale booqday deegaanada Xaaji Cali,Raage Ceelle iyo kuwo kale ayaa kormeerkiisa loo arkaa tallaabo dhiirrigelin ah oo dhiig cusub ku shubaysa hawlgallada ka socda dalka , iyadoo sare u qaadaysa niyadda ciidanka oo waqtigaan u diyaar garoobaya duullaan dagaal oo ka dhan ah Khawaarijta.

Si looga guuleysto kooxda Al-Shabaab,waxaa lagama maarmaan ah in dowladda ay joogteyso howlgallada,isla markaana la bilabo wejiga cusub ee dagaalka looga horjeedo khawaarijta .

Waxaa hubaal ah in haddii howlgallada dowladda ay u dhacaan sidii la rabay ay suurtagal tahay in gabi ahaan la soo afjaro dhaq-dhaqaaqyada hubeysan ee maleeshiyaadka nabad diidka ah.

 

 

Previous Post

Doorashada Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa ee DGWB oo maanta ka dhacaysa magaalada Laascaanood

Next Post

Kusimaha Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti

Next Post
Kusimaha Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti

Kusimaha Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti

Xildhibaanada labada Aqal ee oo ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026

Xildhibaanada labada Aqal ee oo ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026

December 23, 2025
0

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah yeeshay ayaa ansixiyey Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

December 23, 2025
0

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanayey kuwa Sirdoonka Qaranka iyo dadka deegaanka ayaa howlgal qorsheeysan oo lagu naafeynayey khawaariijta ka...

Wasiirka Deegaanka oo kormeer ku tagay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Galmudug

Wasiirka Deegaanka oo kormeer ku tagay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Galmudug

December 23, 2025
0

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa kormeer shaqo ku tagay deegaanno iyo degmooyin...

Booliiska Gobolka Banaadir oo xiray Askar ‘si sharci darro ah’ hub ugu dhex watay Muqdisho

Booliiska Gobolka Banaadir oo xiray Askar ‘si sharci darro ah’ hub ugu dhex watay Muqdisho

December 23, 2025
0

Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay 11 askari oo lagu eedeeyay inay si sharci-darro ah hub ugu dhex wateen...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In