Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Deegaanka ayaa maaanta ka hortagay weerarro ay kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab saakay waaberigii ku soo qaadeen duleedka Degmada Qadiimiga ah ee Ceeldheer oo dhacda bariga Gobolka Galguduud.
Ciidamada ayaa dagaal aad u adag kaga hortagay damacii ay lahaayeen Kooxda Khawaarijta,waxayna fashiliyeen gawaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo la doonayey in lagu waxyeeleeyo dadka shacabka.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda ayaa xaqiijinaya in laga hortagay hamigii kooxda Khawaarijta ah ee ay ku doonayeen inay Khalkhal ku galiyaan dadka deegaanka.
Dagaalkaasi oo socday muddo saacad ah, waxaa jira khasaare aad u badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac,kuwaas oo loo geystay Khawaarijtii soo weerar halkaasi,iyadoo la soo bandhigay muuqaallo meydad oo ay halkaasi uga carareen khawaarijta .
Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi oo ka hadlay dagaalkii saaka ayaa yiri “Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee ceeldheer waxa ay saakay Khawaarijta u dhigeen cashar lama iloowaan ah oo sababay in kooxdaasi ay ka cararaan halkaasi,isla markaana ay qaadan waayaan meydadkooda iyo dhaawacyadii kale.
“Meel kasta waxaa daadsan maydadka Khawaarijta oo saaka isku maqiiqay Ceeldheer, waxaa mahadsan geesiyaasha Xoogga iyo kuwaa deegaanka, alle ayaa leh mahad oo dhan”, sidaasi waxaa yiri Wasiir Ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala.
Dhinaca kale wararka laga helayo Degmada Ceeldheer ayaa sheegaya in ciidanka ay saaka gacanta ku dhigeen mid ka mid ah horjooge la socday koox maleeshiyaad ah oo soo weeraray duleedka Degmada Ceeldheer oo ka tirsan Gobolka Gaalgaduud.