Tuesday, December 23, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka XDS

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 months ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka XDS
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage. Labada mas’uul ayaa kulankooda kaga wada hadlay xaaladda guud ee cimilada iyo qorshayaasha la xiriira hawlaha dib u xoreynta dhulka ay gacanta ku hayaan Khawaarijta.

Intii uu kulanku socday, waxay labada Masuul diiradda saareen sidii Hay’adda SoDMA ay uga qayb qaadan lahayd gurmadka bani’aadannimo ee la gaarsiinayo deegaannada cusub ee la qorsheynaya in laga xoreeyo Khawaarijta. Waxaa la isku afgartay in SoDMA ay u diyaargarowdo sidii ay u gaarsiin lahayd gargaarka degdegga ah goobahaas, isla markaana ay hoggaanka u noqon lahayd isku dubbaridka dhammaan howlaha beni’aadannimo.

Related posts

Xildhibaanada labada Aqal ee oo ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026

Xildhibaanada labada Aqal ee oo ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026

December 23, 2025
Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

December 23, 2025

Si loo xaqiijiyo iskaashi buuxa, labada mas’uul waxay ku heshiiyeen in la sameeyo guddi farsamo oo kala matala Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo Hay’adda SoDMA. Guddigaan ayaa si dhow uga wada shaqeyn doona sidii loo fulin lahaa qorshayaasha gargaarka iyo taageerada loogu fidinayo dadka ku nool deegaannada la xoreeyay.

Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage ayaa sidoo kale ka codsaday Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA in hay’addu ay ciidanka xoogga dalka ka caawiso sidii ay qayb uga noqon lahaayeen gaarsiinta gargaarka iyo caawinta dadka ku nool goobaha ugu daran ee ay ka jiraan xaaladaha adag.

Kulankan ayaa muujinaya muhiimadda iskaashiga wadajirka ah ee ka dhaxeeya hay’adaha dowladda, si loogu gurmado dadka Soomaaliyeed ee dhibaataysan, loona gaarsiiyo gargaar degdeg ah xilliyada ay u baahan yihiin.

 

 

 

 

Previous Post

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Ceeldheer ku abaalmariyay Geesiyaasha Xoogga Dalka

Next Post

Taliyaha CXDS iyo Guddoomiyaha SoDMA oo ka wada hadlay cimilada iyo dib-u-xoreynta dalka

Next Post
Taliyaha CXDS iyo Guddoomiyaha SoDMA oo ka wada hadlay cimilada iyo dib-u-xoreynta dalka

Taliyaha CXDS iyo Guddoomiyaha SoDMA oo ka wada hadlay cimilada iyo dib-u-xoreynta dalka

Xildhibaanada labada Aqal ee oo ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026

Xildhibaanada labada Aqal ee oo ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026

December 23, 2025
0

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah yeeshay ayaa ansixiyey Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

December 23, 2025
0

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanayey kuwa Sirdoonka Qaranka iyo dadka deegaanka ayaa howlgal qorsheeysan oo lagu naafeynayey khawaariijta ka...

Wasiirka Deegaanka oo kormeer ku tagay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Galmudug

Wasiirka Deegaanka oo kormeer ku tagay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Galmudug

December 23, 2025
0

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa kormeer shaqo ku tagay deegaanno iyo degmooyin...

Booliiska Gobolka Banaadir oo xiray Askar ‘si sharci darro ah’ hub ugu dhex watay Muqdisho

Booliiska Gobolka Banaadir oo xiray Askar ‘si sharci darro ah’ hub ugu dhex watay Muqdisho

December 23, 2025
0

Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay 11 askari oo lagu eedeeyay inay si sharci-darro ah hub ugu dhex wateen...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In