RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta waxaa lagu wadaa inuu magaalada Muqdisho uu si rasmi ah uga daahfuri doono, shirka Istaraatiijiyadda Ganacsiga ee Soomaaliya iyo Mareykanka.
Shirkan ayaa ah mid aad muhiim u ah, kaas oo ay ka soo qayb gali doonaan shirkado waaweyn oo caalami ah, iyo kuwa dalka laga leeyahay.
Shirkan ayaa waxa uu socon doonaa laba maalin oo ka bilaabata maanta 04/10/2025-05/10/2025, waxaana diiradda lagu saarayaa xoojinta Istaraatiijiyadda Ganacasi ee dalalka Mareykanka iyo Soomaaliya.