RADIO MUQDISHO(SHABEELLAHA HOOSE):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya Ciidamada AUSSOM ayaa maanta hawlgallo miino baaris ah ka wada magaalada Awdheegle ee Gobolka Shabeellada Hoose,kadib markii Kooxdii Khawaarijta ay miinooyin ku aaseen Waddooyinka, hareeraha magaalada iyo guryaha shacabka.
Hawlgalka ayaa si gaar ah diiradda loogu saarayaa in la baabi’iyo dhammaan waxyaabaha qarxa ee khatar ku ah nolosha shacabka iyo Ciidamada, si bulshada deegaanka ay ugu laabtaan guryahooda si nabad ah.
Ciidamada Xoogga Dalka iyo AUSSOM ayaa sidoo kale sameynaya baaritaanno dheeraad ah oo lagu xaqiijinayo in magaalada laga sifeeyo haraadiga Khawaarijta ah,taas oo qeyb ka ah howlgal ballaaran oo lagu sugayo amniga degmada Awdheegle iyo deegaannada hoos yimaada.