Friday, August 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS oo kormeeray xarunta Hay’adda Korontada Qaranka

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
10 months ago
in Wararka
0
Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS oo kormeeray xarunta Hay’adda Korontada Qaranka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta cusub ee Hay’adda Korontada Qaranka, taas oo lagu qalabeeyay agab casri ah oo waafaqsan heerarka caalamiga ah.

Wasiirka ayaa halkaas waxa ku soo dhaweeyay Mareeyaha Hay’adda Korontada Qaranka, Mudane Cabdullaahi Axmed Dayib, oo warbixin faahfaahsan ka siiyay qeybaha uu ka kooban yahay dhismaha cusub iyo adeegyada ay hay’addu bixiso.

Related posts

Wasiirka Amniga Gudaha oo soo xiray tababarka Dufcadda 5-aad ee Ciidanka Darawiishta

Wasiirka Amniga Gudaha oo soo xiray tababarka Dufcadda 5-aad ee Ciidanka Darawiishta

August 13, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Dhuusamareeb

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Dhuusamareeb

August 13, 2026

Kormeerka wasiirka ayaa qayb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka ee lagu xoojinayo adeegyada korontada dalka, iyadoo mudnaanta la siinayo sidii bulshada Soomaaliyeed loogu heli lahaa adeeg tayo leh, waara oo la isku halleyn karo. Tallaabadan ayaa loo arkaa mid muhiim ah oo gundhig u noqon doonta horumarinta kaabayaasha tamarta dalka iyo dhiirrigelinta kobaca dhaqaalaha.

Intii uu socday booqashada, Wasiirka waxaa wehliyay Wasiir-dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Mudane Maxamed Cabdullaahi Faarax, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdullaahi Xasan Aadan.

Previous Post

Ciidamada Qaranka oo hawlgal ku dilay horjooge sare oo ka tirsan Khawaarijta

Next Post

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal miino-baaris ah ka bilaabay deegaannadii laga xoreeyay Khawaarijta

Next Post
Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal miino-baaris ah ka bilaabay deegaannadii laga xoreeyay Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal miino-baaris ah ka bilaabay deegaannadii laga xoreeyay Khawaarijta

Wasiirka Amniga Gudaha oo soo xiray tababarka Dufcadda 5-aad ee Ciidanka Darawiishta

Wasiirka Amniga Gudaha oo soo xiray tababarka Dufcadda 5-aad ee Ciidanka Darawiishta

August 13, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa si rasmi ah u soo xiray tababarka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Dhuusamareeb

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Dhuusamareeb

August 13, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar iyo wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayo ayaa lagu...

Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Kenya

Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Kenya

August 13, 2026
0

Wafti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho, Dr. Ibraahim Maxamed Mursal, ayaa booqasho rasmi ah ku tegay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Agaasimaha Horumarinta UK

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Agaasimaha Horumarinta UK

August 13, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan la yeeshay Agaasimaha Horumarinta Boqortooyada Midowday (UK),...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In