Tuesday, October 7, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

𝐃𝐫. 𝐂𝐢𝐥𝐦𝐢 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐍𝐮𝐮𝐫: “𝐖𝐚𝐝𝐝𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧 𝐭𝐚𝐲𝐨 𝐥𝐞𝐡, 𝐛𝐢𝐲𝐨-𝐦𝐚𝐫𝐞𝐞𝐧𝐧𝐨 𝐰𝐚𝐚𝐫𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝐨𝐨 𝐝𝐢𝐛 𝐮 𝐡𝐞𝐬𝐡𝐚 𝐛𝐢𝐥𝐢𝐜𝐝𝐞𝐞𝐝𝐢𝐢 𝐛𝐚𝐫𝐢-𝐬𝐚𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐢𝐢”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
October 7, 2025
in Wararka
0
𝐃𝐫. 𝐂𝐢𝐥𝐦𝐢 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐍𝐮𝐮𝐫: “𝐖𝐚𝐝𝐝𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧 𝐭𝐚𝐲𝐨 𝐥𝐞𝐡, 𝐛𝐢𝐲𝐨-𝐦𝐚𝐫𝐞𝐞𝐧𝐧𝐨 𝐰𝐚𝐚𝐫𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝐨𝐨 𝐝𝐢𝐛 𝐮 𝐡𝐞𝐬𝐡𝐚 𝐛𝐢𝐥𝐢𝐜𝐝𝐞𝐞𝐝𝐢𝐢 𝐛𝐚𝐫𝐢-𝐬𝐚𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐢𝐢”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay bilaabayso mashaariic waaweyn oo horumarineed oo wax weyn ka tari doona dhismaha wadooyinka iyo xal u helidda biyo-mareenada magaalada Muqdisho, kuwaas oo xilli roobaad kasta caqabad ku ahaa isku socodka shacabka.

Wasiir Cilmi oo waraysi gaar ah siiyay Barnaamijka Raad Raac ee Warbaahinta Qaranka ayaa tilmaamay in mashruuca cusub ee lagu magacaabo “𝐍𝐀𝐆𝐀𝐀𝐃” hadda lagu tijaabiyay lix magaalo oo ay ka mid yihiin Muqdisho, Garowe iyo Hargeysa, isla markaana uu horseeday isbeddel muuqda oo dhanka bilicda, dhismaha wadooyinka iyo furista biyo-mareenada magaalooyinka.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 2-aad ee Iskaashiga Ururka Bulshada Bariga Afrika

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 2-aad ee Iskaashiga Ururka Bulshada Bariga Afrika

October 7, 2025
Wasiirka Qoyska XFS oo kulan doceedyo Geneva kula qaadatay Safiiro

Wasiirka Qoyska XFS oo kulan doceedyo Geneva kula qaadatay Safiiro

October 6, 2025

“Dhawaan waxaan hirgalinay nidaam lagu hubinayo tayada agabka dhismaha dalka, waxaana la sameeyay Laab tayo-hubin ah oo qayb ka ah mashaariicda cusub. Madaxweynaha Qaranka, intii uu ku sugnaa Dhuusamareeb, isagaa indhihiisa ku arkay natiijadii mashruucaas waa guul la taaban karo in dalkeennu isku filnaansho ku gaaro dhanka dhismaha,” ayuu yiri Wasiir Cilmi.

𝐈𝐬𝐛𝐞𝐝𝐝𝐞𝐥 𝐦𝐮𝐮𝐪𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐚 𝐝𝐚𝐫𝐞𝐞𝐦𝐚𝐲𝐨 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚.

Wasiirka ayaa sheegay in mashaariicda hadda ka socda dalka ay si weyn u beddeleen qaab-dhismeedka magaalooyinka, isla markaana ay sare u qaadeen bilicda iyo la jaanqaadka magaalooyinka caalamka.

Tusaale ahaan, magaalada Garowe ayaa laga hirgeliyay buundooyin iyo biyo-mareenno casri ah, kuwaas oo sare u qaaday isku socodka iyo kobaca dhaqaalaha deegaanka.

“Waxaan hadda dhiseynaa wadooyin tayo sare leh iyo biyo-xireenno waaweyn oo suuragelinaya in roobabku aysan mar dambe wadooyinka Muqdisho burburin. Waxaan dhulka hoostiisa marinaynaa biyo-mareenno casri ah, si aan u soo celinno quruxdii bari-samaadkii ee caasimaddu lahayd,” ayuu ku daray wasiirka.

𝐌𝐚𝐬𝐡𝐫𝐮𝐮𝐜𝐚 𝐍𝐀𝐆𝐀𝐀𝐃 – 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐚𝐫𝐚 𝐞𝐞 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

Dr. Cilmi ayaa sheegay in bilowga bisha November magaalada Muqdisho lagu qaban doono shirkii ugu horreeyay ee dhismaha dalka, kaas oo ay ka qeyb-geli doonaan daneeyayaasha caalamka.

Wajiga koowaad ee mashruuca ayaa diiradda saari doona qodista biyo-mareennada dhulka hoostiisa, iyadoo qorshuhu yahay in laga sameeyo laga bilaabo isgoyska Number Afar ilaa xeebta Liido, mashruucan oo ku kacaya in ka badan $50 milyan.

“Waxaan sameynay sahan dhameystiran oo muujiyay in biyo-xireenadii magaalada ay burbureen. Sidaas darteed, qorshahan cusub wuxuu noqonayaa xalka waara ee wadooyinka iyo biyo-mareennada caasimadda,” ayuu yiri Wasiir Cilmi.

𝐇𝐢𝐫𝐠𝐞𝐥𝐢𝐧 𝐜𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐨𝐨 𝐛𝐢𝐥𝐥𝐚𝐚𝐛𝐚𝐧𝐚𝐲𝐬𝐚 𝐬𝐚𝐧𝐚𝐝𝐤𝐚 𝟐𝟎𝟐𝟔.

Wasiirka ayaa sheegay in mashruucan si rasmi ah loo bilaabi doono bilowga sanadka 2026, taas oo meesha ka saaraysa cimriga gaaban ee wadooyinka Muqdisho oo roobabku burburin jireen.

“Burburka laamiyada waxaa sababay daadka iyo la’aanta biyo mareenada. Marka la sameeyo biyo-mareenno waara, daadku wuxuu si dabiici ah u qaadi doonaa biyaha, taas oo ka hortagaysa burburka iyo khasaarihii hore,” ayuu yiri Wasiirka Howlaha Guud.

Ugu dambeyn, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa sheegay in mashaariicdan ay qayb ka yihiin dadaallada Xukuumadda Dan-Qaran ee lagu xoojinayo adeegyada bulshada, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo soo celinta bilicda dalka.

“Dowladdu waxay samaysay qorshe cad oo xalka waara ah, waxaana mashaariicda wadooyinka caasimadda keliya ku baxay ku dhowaad $1 bilyan. Tani waa bilow cusub oo rajada iyo riyooyinka shacabka Soomaaliyeed u beddelaya xaqiiqo la taaban karo,” ayuu ku soo gabagabeeyay Wasiir Cilmi.

 

W/Q : Mohamed Abdikadir Silver

 

Previous Post

Wasiirka Qoyska XFS oo kulan doceedyo Geneva kula qaadatay Safiiro

Next Post

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 2-aad ee Iskaashiga Ururka Bulshada Bariga Afrika

Next Post
Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 2-aad ee Iskaashiga Ururka Bulshada Bariga Afrika

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 2-aad ee Iskaashiga Ururka Bulshada Bariga Afrika

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 2-aad ee Iskaashiga Ururka Bulshada Bariga Afrika

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 2-aad ee Iskaashiga Ururka Bulshada Bariga Afrika

October 7, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay Shirka Iskaashiga Ganacsiga Dalalka Bariga Afrika oo markii 2-aad...

𝐃𝐫. 𝐂𝐢𝐥𝐦𝐢 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐍𝐮𝐮𝐫: “𝐖𝐚𝐝𝐝𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧 𝐭𝐚𝐲𝐨 𝐥𝐞𝐡, 𝐛𝐢𝐲𝐨-𝐦𝐚𝐫𝐞𝐞𝐧𝐧𝐨 𝐰𝐚𝐚𝐫𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝐨𝐨 𝐝𝐢𝐛 𝐮 𝐡𝐞𝐬𝐡𝐚 𝐛𝐢𝐥𝐢𝐜𝐝𝐞𝐞𝐝𝐢𝐢 𝐛𝐚𝐫𝐢-𝐬𝐚𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐢𝐢”

𝐃𝐫. 𝐂𝐢𝐥𝐦𝐢 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐍𝐮𝐮𝐫: “𝐖𝐚𝐝𝐝𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧 𝐭𝐚𝐲𝐨 𝐥𝐞𝐡, 𝐛𝐢𝐲𝐨-𝐦𝐚𝐫𝐞𝐞𝐧𝐧𝐨 𝐰𝐚𝐚𝐫𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝐨𝐨 𝐝𝐢𝐛 𝐮 𝐡𝐞𝐬𝐡𝐚 𝐛𝐢𝐥𝐢𝐜𝐝𝐞𝐞𝐝𝐢𝐢 𝐛𝐚𝐫𝐢-𝐬𝐚𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐢𝐢”

October 7, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay bilaabayso...

Wasiirka Qoyska XFS oo kulan doceedyo Geneva kula qaadatay Safiiro

Wasiirka Qoyska XFS oo kulan doceedyo Geneva kula qaadatay Safiiro

October 6, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa magaalada Geneva kulamo gaar...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo daahfuray Kormeerka Hirgelinta Mashruuca Isdhexgalka Dijitaalka Bariga Afrika

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo daahfuray Kormeerka Hirgelinta Mashruuca Isdhexgalka Dijitaalka Bariga Afrika

October 6, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Soomaali, ayaa si rasmi ah u daahfuray Kormeerka Hirgelinta Mashruuca...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In