Saturday, February 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya Oo Maanta Laga Xusayo Maalinta Calanka Ee 12-ka October

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
5 months ago
in Wararka
0
Soomaaliya Oo Maanta Laga Xusayo Maalinta Calanka Ee 12-ka October
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay sannad guuraddii 71-aad ee ka soo wareegtay maalintii ugu horaysay ee la isku raacay soo bandhigidda naqshadda Calan Soomaaliyeed oo uu hal abuurkeeda lahaa Allaha u naxariistee marxuum Maxamed Cawaale Liibaan.ย ย 

Xuska maalintaan waa mid qaran oo ku wayn quluubta shacbiga Soomaaliyeed,isla markaana ka tarjumaya dadaalkii loo soo galay lahaanshaha calan Soomaaliyeed oo ku yimid rabitaanka dad in muddo ah ku hoos nolaa gumeysi shisheeye.

Related posts

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka โ€SAWIRROโ€

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka โ€SAWIRROโ€

February 28, 2026
๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ƒ๐Œ๐€ ๐จ๐จ g๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ ๐†๐š๐ฅ๐ฆ๐ฎ๐๐ฎ๐  ๐ฌ๐ข ๐ฎ๐ฎ u x๐จ๐จ๐ฃ๐ข๐ฒ๐จ ๐†๐ฎ๐ซ๐ฆ๐š๐๐ค๐š ๐€๐›๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š

February 27, 2026

Soo Bandhigiddii Calanka.

Kadib muujinta hannaanka ee loo xardhay Calanka,xubnihii ururka SYL ee waqtigaa dood dheer ka dib waxaa la isku waafaqay muxaafid iyo mucaaradba in la qaato Calanka uu soo bandhigay Maxamed Cawaale Liibaan.

, Cabdulkadir Cali Boolay oo ka mid ahaa halgamayaashii S.Y.L ayaa yiriโ€waxaan nasiib u yeeshay in aan goob joog ka ahaa xilligaasi oo lagu soo bandhigay xarunta dhexe ee xisbigii SYL, waxaana cod buuxda la isku waafaqnay in la qaato naqshadda uu soo bandhigay marxuum Maxamed Cawaale Liibaan.

Laakiin, markii loo geeyay maamulkii Talyaaniga ayaa diiday ,iyagoo ku tilmaamay inuu u egyahay Calanka dalka Zaโ€™iir iyo kan Jimciyadda Qaruumaha ka dhaxaysa โ€œUnited Nations-kaโ€ waxeyna marmarsiinto ka dhigteen in aan la ogolayn calan dal leeyahay.

Maamulkii Talyaaniga wuxuu ku adkaystay hindisihii uu soo bandhigay marxuum Maxamed Cawaale Liibaan in aan la qaadan Karin,isku daygaasina uu yahay mid aan soo kordhineyn wax faaโ€™iido ah.

Intaa kadib, Maxamad Cawaale Liibaan wuxuu Talyaaniga u sheegay in labada calan aanay isku mid ahayn sababtoo ah Calanka dalkii Zaโ€™iire horay loo oran jiray, xiddigta ku dhextaal waa mid Dahabi ama Huruud ah, sidaasi darteed dood dheer iyo wada tashi fara badan ka dib ย maamulkii Talyaaniga oo xiligaasi maamulaayay koonfurta soomaaliya wuxuu ogolaaday in la qaato calanka buluugga ah xiddigta cad dhexda kaga taallo.

Halgankii dheeraa, kadib ummadda soomaaliyeed waxay ku guuleysatay una suurta gashay in ay yeelato calan aad u qurux badan ,kaasoo ka tarjumaya jiritaanka iyo himilada ummadeed oo ah in la helo soomaaliย  midaysan.

Calanka Qaranka Soomaaliyeed oo maanta 71- sano jirsaday, wuxuu ku yimid halgan adag oo ay hoggaanka u hayeen dhallinyaraddii soomaaliyeed xisbigii SYL, kuwaas oo loolan qaraar la galay gumaystayaashii isu soo bahaystay umadda Soomaaliyed.

12-ka Oktobar ee sanadkii1954kii waa maalin xasuus leh oo la soo bandhigay callanka buluugga ah ee xambaarsan sharafta umadda,waxaadna ka dhadhansan karnaa miraha can baxay ee ku jira heestaย (Qoloba calankeedu)ย ee uu ku luuqeeyo ย Marxuum Cabdullahi Qarshe waxaana ka mid aha:- โ€œQolobaa calankeeduย waa ceynoo-Innagaa keennu waa โ€“ Cirkoo kaleโ€™e โ€“ ee aan Caadna-lahayn โ€“ย ee ย Caashaqaโ€™e โ€“ Xiddig yahay Cadi-waadย Na Ciidamisee- Caradaan Kaligaa Aadow Curadeeย โ€“ย Cadceeda Sideeda Caan Noqoโ€™eeโ€.

Hadabba,26kii Juun1960kii waa markii ugu horaysay ee calankaasi kifaaxa dheer loo soo maray laga taagay fagaaraha xoriyadda ee magaalada Hargaysa, kadib markii goballada waqooyi ay ka xoroobeen gumaysigii Ingiriiska,afar maalmood kadib, halka 1dii luulyo 1960kii gobolada koonfureed ay ,iyana ย ka xoroobeen gumaysigii Talyaaniga,isla markaana lagu guuleystay israaca labadii gobol ee Waqooyi iyo Koofur,kuwaas oo horsed u ahaa ย dhismaha Jamhuuriyaaddii Soomaaliya.

Calanka waa astaanta dalka, in la jeclaado korna loo qaado xuskiisa iyo munaasabaddiisa waa qayb wadaniyadda ka mid ah, waxaana habboon si dareenka wadaniyadeed ee shacbiga kor loogu qaado in manaahijta dugsiyada lagu dhigo lagu daro maaddo wadaniyadda ku saabsan.

Gabagabadii,waa muhiim in ardayda iyo jiilasha dambe la baro qiimaha dalka iyo halgankii loo soo maray xoriyadda,gaar ahaan xusudda halgamayaashii taariikhda galay , qiimaha calanka iyo astaanta dalku leeyahay.

W/D:- Gobdoon.

Previous Post

Guddoomiye Muungaab Oo Xarigjaray Dayactirka Dugsiga WaxarCadde

Next Post

Ciidamada Qaranka Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Xubno Khawaarijta Ka Tirsan

Next Post
Ciidamada Qaranka Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Xubno Khawaarijta Ka Tirsan

Ciidamada Qaranka Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Xubno Khawaarijta Ka Tirsan

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka โ€SAWIRROโ€

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka โ€SAWIRROโ€

February 28, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ƒ๐Œ๐€ ๐จ๐จ g๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ ๐†๐š๐ฅ๐ฆ๐ฎ๐๐ฎ๐  ๐ฌ๐ข ๐ฎ๐ฎ u x๐จ๐จ๐ฃ๐ข๐ฒ๐จ ๐†๐ฎ๐ซ๐ฆ๐š๐๐ค๐š ๐€๐›๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š

๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ƒ๐Œ๐€ ๐จ๐จ g๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ ๐†๐š๐ฅ๐ฆ๐ฎ๐๐ฎ๐  ๐ฌ๐ข ๐ฎ๐ฎ u x๐จ๐จ๐ฃ๐ข๐ฒ๐จ ๐†๐ฎ๐ซ๐ฆ๐š๐๐ค๐š ๐€๐›๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š

February 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug, si uu...

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

February 27, 2026
0

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS Mudane Cali Maxamed Cumar ayaa Magaalada Jiddah uga kulan looga hadlaayay qodobbo dhowr ah oo...

Afur Diblomaasiyadeed: โ€œHorumarka Soomaaliyaโ€.

Afur Diblomaasiyadeed: โ€œHorumarka Soomaaliyaโ€.

February 27, 2026
0

Iyadoo la qaadanayo hal-ku-dhigga โ€œHorumarka Soomaaliyaโ€, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Abdisalam Ali, ayaa martigeliyay Afur heer...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In