Sunday, November 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo ka Wada hadlay xoojinta Iskaashiga Gaadiidka  

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
1 year ago
in Wararka
0
Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo ka Wada hadlay xoojinta Iskaashiga Gaadiidka  
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux, oo booqasho shaqo ku jooga Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayaa kulan miro-dhal ah kula yeeshay magaalada Riyaad Wasiirka Gaadiidka iyo Adeegga Saadka Guud ee Boqortooyada, Mudane Saleh bin Nasser Al-Jasser.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada gaadiidka iyo duulista hawada. Labada wasiir ayaa si gaar ah uga wada hadlay furitaanka duulimaadyo toos ah oo joogto ah oo u kala goosha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo furay Habraaca Wadashaqeynta Booliiska iyo Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta oo furay Habraaca Wadashaqeynta Booliiska iyo Warbaahinta

November 29, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡-𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐨𝐥𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 Q𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐭𝐚𝐥𝐥𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐂𝐢𝐫𝐢𝐛𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐮𝐝𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐛𝐚𝐲𝐬𝐡𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡-𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐨𝐥𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 Q𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐭𝐚𝐥𝐥𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐂𝐢𝐫𝐢𝐛𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐮𝐝𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐛𝐚𝐲𝐬𝐡𝐚

November 28, 2026

Wasiir Maxamed Faarax Nuux ayaa sheegay in kulanka uu ahaa mid muhiim ah, islamarkaana lagu dhisayo xiriir wada-shaqeyn ah oo faa’iido u leh shacabka walaalaha ah ee labada dal.

Wasiirrada ayaa sidoo kale isla gartay in la dhiso guddi farsamo oo ka shaqeeya fulinta heshiisyada iyo qorshayaasha lagu xoojinayo iskaashiga duulista iyo gaadiidka.

Safarka wasiirka iyo wafdigiisa ayaa ah mid qeyb ka ah dadaallada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ku horumarinayso xiriirka ganacsi, isu socodka, iyo is-dhaafsiga adeegyada ee kala dhaxeeya dalalka gobolka.

Previous Post

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shirweynaha 151-aad ee Baarlamaanka Adduunka 

Next Post

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo furay Shirweynaha 2-aad ee u-adkeysiga Aafooyinka 

Next Post
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo furay Shirweynaha 2-aad ee u-adkeysiga Aafooyinka 

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo furay Shirweynaha 2-aad ee u-adkeysiga Aafooyinka 

Wasiirka Warfaafinta oo furay Habraaca Wadashaqeynta Booliiska iyo Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta oo furay Habraaca Wadashaqeynta Booliiska iyo Warbaahinta

November 29, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta Muqdisho ka daah-furay Habraaca Wadashaqeynta...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡-𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐨𝐥𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 Q𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐭𝐚𝐥𝐥𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐂𝐢𝐫𝐢𝐛𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐮𝐝𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐛𝐚𝐲𝐬𝐡𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡-𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐨𝐥𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 Q𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐭𝐚𝐥𝐥𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐂𝐢𝐫𝐢𝐛𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐮𝐝𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐛𝐚𝐲𝐬𝐡𝐚

November 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo Daah-furay Olalaha Qaran ee Tallaalka Ciribtirka Cudurka Dabaysha, ayaa...

Guddoomiyaha SoDMA  oo kulan miro-dhal ah la qaatay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan miro-dhal ah la qaatay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug

November 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo safar shaqo ku jooga caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb,...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan muhiim ah la yeeshay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan muhiim ah la yeeshay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka

November 28, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta xarunta Wasaaradda kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In