Sunday, April 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

11 khawaarij ah oo lagu dilay howlgallo ka kala dhacay Mudug iyo Bakool

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
5 months ago
in Wararka
0
11 khawaarij ah oo lagu dilay howlgallo ka kala dhacay Mudug iyo Bakool
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada Macaawisleyda ee ka howlgala degmada Xarardheere ayaa xalay fuliyay howlgal si gaar ah loo qorsheeyay, kaasi oo si toos ah loogu beegsaday malleeshiyaad Khawaarijta ka tirsan oo ku dhuumaaleysanayay tuulada Dumaaye ee gobolka Mudug.

Related posts

Wasaaradda howlaha Guud XFS oo dadaal ugu jirto sidii barakacayaasha guryo loogu dhisi lahaa

Wasaaradda howlaha Guud XFS oo dadaal ugu jirto sidii barakacayaasha guryo loogu dhisi lahaa

April 25, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan miro-dhal ah  la yeeshay Dhigiisa Dalka Cumaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan miro-dhal ah la yeeshay Dhigiisa Dalka Cumaan

April 25, 2026

Howlgalka ayaa lagu dilay 6 malleeshiyaad ah, waxaana gacanta lagu soo dhigay hub iyo saanad ay argagixisadu ku dhibaateyn jireen dadka shacabka ah, hubka laga soo furtay cadawga, waxaa ka mid ahaa afar qori oo nooca AK-47 ah iyo agab ciidan oo kale, sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Difaaca ee Soomaaliya.

Sidoo kale, howlgal kale oo ka dhacay waddada isku xirta Garasweyne iyo Mooragaabeey oo 37 km dhanka galbeed uga beegan degmada Xuddur ee Gobolka Bakool ayaa lagu beegsaday koox kale oo Khawaarij ah.

Howlgalkaas waxaa lagu dilay 5 dhagar-qabe oo tirsanaa malleeshiyaadka Khawaarijta, kuwaas oo ay ku jireen horjoogayaal muhiim ah, waxayna ciidamada ay gacanta ku dhigeen 2 qori AK-47 ah iyo saanad ciidan oo kale.

Magacyada horjoogayaasha la dilay waxaa ka mid ah:

Ibraahim Caliyow Maxamed Macalin

Aadan Maxamed Same

Cabdullaahi Aadan Dheere

Dhanka kale, Ciidanka Xoogga Dalka ayaa fashiliyey weerar naf-la-caari ah oo ay malleeshiyaadka Khawaarijta kusoo qaadeen deegaanka Dabagalo, oo qiyaastii 35 KM dhanka Waqooyi-Galbeed ka xiga Xarardheere.

Ciidanku waxay ka hortageen qorshaha cadowgu soo maleegay ee lagu doonayay in lagu carqaladeeyo nabadgelyada deegaanka.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay bogaadinayaan dadaallada joogtada ah ee CXD iyo ciidamada Macaawisleyda ee lagu ciribtirayo haraadiga kooxaha argagixisada, waxayna mar kale caddeynayaan inay sii socon doonaan howlgallada lagula dagaallamayo Khawaarijta illaa CXD ay xaqiijiyaan in shacabka Soomaaliyeed ay ku noolaadaan ammaan buuxa iyo xasillooni waarta.

By Hussein Hassan Roble

Previous Post

Shirweynaha 2-aad ee Kormeerka iyo Qiimeynta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

Next Post

Soomaaliya oo soo dhawaysay heshiiska ay Doxa ku gaareen Kongada dimoqraadiga ah iyo jabhadda M23

Next Post
Soomaaliya oo soo dhawaysay heshiiska ay Doxa ku gaareen Kongada dimoqraadiga ah iyo jabhadda M23

Soomaaliya oo soo dhawaysay heshiiska ay Doxa ku gaareen Kongada dimoqraadiga ah iyo jabhadda M23

Wasaaradda howlaha Guud XFS oo dadaal ugu jirto sidii barakacayaasha guryo loogu dhisi lahaa

Wasaaradda howlaha Guud XFS oo dadaal ugu jirto sidii barakacayaasha guryo loogu dhisi lahaa

April 25, 2026
0

Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta we Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ku qabatay kulan xarunta Safaaradda Soomaaliya kaas oo ay u...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan miro-dhal ah  la yeeshay Dhigiisa Dalka Cumaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan miro-dhal ah la yeeshay Dhigiisa Dalka Cumaan

April 25, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cali ayaa wadahadallo rasmi ah la yeeshay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Caleemo saarka Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Caleemo saarka Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi

April 25, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad dhaqan oo lagu caleemo-saarayay Ugaas Cabdirisaaq...

Munaasabadda Caleemo-saarka Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullahi (Faracadde) oo ka socota Muqdisho

Munaasabadda Caleemo-saarka Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullahi (Faracadde) oo ka socota Muqdisho

April 25, 2026
0

RADIO MUQISHO:-Magaalada Muqdisho waxaa ka socota munaasabad ballaaran oo lagu caleema saarayo Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullahi (Faracadde), oo ah ugaaska...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In