Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Kulan La Qaatay Dhigiisa Dalka Kenya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 months ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Kulan La Qaatay Dhigiisa Dalka Kenya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo ku sugan magaalada Nairobi, Caasimadda Kenya, ayaa kulan la qaatay dhigiisa dalka Kenya, Moses M. Wetang’ula.

Ugu horreyn, Guddoomiyaha Baarlamaanka Kenya ayaa hambalyo u diray Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur xilka uu ka hayo shir guddoonka guddoomiyeyaasha baarlamaanada Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, doorashada xubnaha Soomaaliya ku metelaya Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika iyo kaalinta firfircoon ee Soomaaliya ku leedahay ururka.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa dhigiisa Kenya uga tacsiyeeyey geerida Ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaasi, Raila Odinga. Sidoo kale, wuxuu dhigiisa ku casuumay shirka Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo Soomaaliya martigelin doonto bisha May sanadka 2026.

Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray:

• Dhisidda guddiga saaxiibtinimada baarlamaanada labada wadan.

• Qibrad is-weydaarsiga Xildhibaannada labada baarlamaan.

• Xoojinta wada-shaqeynta guud ee labada baarlamaan.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri), Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya, Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Yuusuf Xasan.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo guddoomiyey kulan looga hadlayay doorashooyinka

Next Post

Wasiirka Haweenka oo Golaha Aqalka Sare ka hor jeedisay muhiimadda Guddiga Xuquuqul Insaanka.

Next Post
Wasiirka Haweenka oo Golaha Aqalka Sare ka hor jeedisay muhiimadda Guddiga Xuquuqul Insaanka.

Wasiirka Haweenka oo Golaha Aqalka Sare ka hor jeedisay muhiimadda Guddiga Xuquuqul Insaanka.

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In