Wednesday, December 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirada siddeed dal

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 hours ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirada siddeed dal
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka kaga guddoomay Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo Safiirro ka socda siddeed dal oo kala ah; Masar Mudane Mohamed Salah Keshtah, Indonesia Mudane Witjaksono Adji, Sweden Mudane Hans Henric Lundvqist, Cuba Marwo Inés Fors Fernandez, Canada Mudane Joshua Brenber Tabah, Finland Marwo Riina Riikka Heikka, Norway Marwo Siv Cathrine Moe iyo Spain Mudane Jaime Alejandro Moreno Bua.

Madaxweynaha oo ugu hambalyeeyay Danjireyaasha xilka loo soo igmaday, ayaa la wadaagay in dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya ay soo dhaweynayaan, kuna garab sinayaan gudashada waajibaadkooda diblomaasiyadeed, kaas oo ay ugu horreeyso xoojinta iskaashiga iyo xiriirka labo geesoodka ah.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

December 3, 2025
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Nuqullo ka Guddoomay Waraaqaha Aqoonsiga Danjirenimo ee Safiirrada Dalal kala Duwan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Nuqullo ka Guddoomay Waraaqaha Aqoonsiga Danjirenimo ee Safiirrada Dalal kala Duwan.

December 3, 2025

Dhankooda, Danjireyaasha cusub ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda soo gaarsiiyey salaan iyo farriimo ay ka sideen hoggaanka dalalkooda, waxa ayna muujiyeen in ay mudnaan siinayaan xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhexeeya Soomaaliya, iyagoo ka maha celiyey qaabilaadda iyo soo dhaweynta loogu sameeyey Villa Somalia.

Munaasabaddan ayaa si maamuus sare leh ugu qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka, iyadoo ay ka qeyb qaateen cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida oo salaan sharaf ku maamuusay Danjireyaasha warqadahooda u gudbiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Previous Post

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirada siddeed dal

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirada siddeed dal

December 3, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka kaga guddoomay Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo Safiirro...

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

December 3, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daud Aweys Jama ayaa maanta kulan miro-dhal ah kula qaatay Safiirka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Nuqullo ka Guddoomay Waraaqaha Aqoonsiga Danjirenimo ee Safiirrada Dalal kala Duwan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Nuqullo ka Guddoomay Waraaqaha Aqoonsiga Danjirenimo ee Safiirrada Dalal kala Duwan.

December 3, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibada iyo iskaashiga Caalamiga XFS Mudane Cabdisalam Cabdi Cali ayaa maanta ka guddoomay nuqullo kamid ah waraaqaha aqoonsiga...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka qeyb-galay Shir Caalami ah oo lagu horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka qeyb-galay Shir Caalami ah oo lagu horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

December 3, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa ka qeyb-galay shir heer caalami ah oo laba maalmood ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In