Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta kulan miro-dhal ah la qaatay Dalladda Culimada Soomaaliyeed oo ay hoggaaminayaan Guddoomiyaha Dalladda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Aadan Macalin Sugow, Guddoomiye Kuxigeenka Dalladda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad, iyo Sheekh Maxamuud Cabdulbaari.
Kulanka waxaa si qoto dheer loogu falanqeeyay xaaladda abaareed ee dalka ka taagan iyo sidii ay culimada Soomaaliyeed uga qaadan karaan door muuqda oo ku aaddan wacyigelinta bulshada, isu-gargaarka iyo ka qayb qaadashada dadaallada gurmadka beni’aadannimo.
Guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle wuxuu culimada kula dardaarmay in ay hoggaamiyaan baraarujinta bulshada, gaar ahaan sida ay muhiim u tahay in dadka Soomaaliyeed ay isku caawiyaan, sidoo kalana ay ku dadaalaan sidii dalka looga qaban lahaa roob-doon ballaaran, maadaama ay xaaladda abaartu taagan tahay oo ay saamayn ku yeelatay qaybo badan oo dalka ah.
Dhankiisa, Guddoomiyaha Dalladda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Aadan Macalin Sugow ayaa sheegay in culimadu ay diyaar u yihiin in ay dadaal dheeri ah geliyaan wacyigelinta bulshada, kana shaqeeyaan sidii gurmadka degdegga ah loo gaarsiin lahaa dadka ku jira xaaladda halista ah. Wuxuu xusay in culimada Soomaaliyeed ay mar walba diyaar u yihiin ka qaybqaadashada howlaha samatabixinta iyo ka hortagga dhibaatooyinka bani’aadantinimo.











