Tuesday, December 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Masar ee Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 hours ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Masar ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Saalax Xasan Keshtaax.

Kulanka ayaa si faah-faahsan looga wada hadlay danaha muhiimka ah ee labada dal ee walaaha ah, iyada oo si gaar ah diiradda loo saaray maalgashiga Soomaaliya, gaar ahaan dhanka caafimaadka iyo tamarta.

Related posts

Golaha Midowga Culimada oo kormeer ku tegay Bakhaarka Keydka gargaarka ee Hay’adda SoDMA

Golaha Midowga Culimada oo kormeer ku tegay Bakhaarka Keydka gargaarka ee Hay’adda SoDMA

December 9, 2025
Wasiiro ka tirsan XFS oo kormeeray xarunta Degmada Howlwadaag oo ay ka socoto qaadashada kaarka codbixinta

Wasiiro ka tirsan XFS oo kormeeray xarunta Degmada Howlwadaag oo ay ka socoto qaadashada kaarka codbixinta

December 9, 2025

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa dowladda Masar ku bogaadiyay waxgalnimadeeda iyo hiilkeeda aan isbaddelin ee ay la barbar taagan tahay shacabka iyo dowladda Soomaaliya, isaga oo intaas ku daray in si buuxda loo soo celiyay nabaddii iyo amnigii qeybo badan oo ka mid ah dalka, haddana ay Soomaaliya diyaar u tahay maalgashi toos ah oo lagu sameeyo kaabayaasha kala duwan ee dalku leeyahay.

Danjiraha Masar Mudane Maxamed Saalax, ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyey qaabilaadda, wuxuuna sheegay in dowladda Masar ay sii xoojin doonto heshiisyadii iskaashi ee horey loo galay ee diiradda saarayay dhinacyada muhiimka u ah danaha labada dal.

Mudane Xamsa ayaa ugu dambayntii ka warbixiyay xaaladda bini’aadannimo ee ka taagan qeybo kamid ah dalka, iyada oo ay baaqdeen roobabkii deyrta, taas oo saameyn ku yeelatay nolosha dadka iyo duunyada ku dhaqan gobollo badan oo kamid ah dalka.

 

 

Previous Post

Golaha Midowga Culimada oo kormeer ku tegay Bakhaarka Keydka gargaarka ee Hay’adda SoDMA

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Masar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Masar ee Soomaaliya

December 9, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar u...

Golaha Midowga Culimada oo kormeer ku tegay Bakhaarka Keydka gargaarka ee Hay’adda SoDMA

Golaha Midowga Culimada oo kormeer ku tegay Bakhaarka Keydka gargaarka ee Hay’adda SoDMA

December 9, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Midowga Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Aaden Abuukar Cismaan (Suufi Yare) oo hoggaaminaya xubno ka tirsan Golayaasha Culimada ayaa booqasho...

Wasiiro ka tirsan XFS oo kormeeray xarunta Degmada Howlwadaag oo ay ka socoto qaadashada kaarka codbixinta

Wasiiro ka tirsan XFS oo kormeeray xarunta Degmada Howlwadaag oo ay ka socoto qaadashada kaarka codbixinta

December 9, 2025
0

Wafdi Wasiirro ah oo kala ah Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Maxamuud Axmed (Geesood), Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo qaabilay Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo qaabilay Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya

December 9, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Dowladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In