Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay u-qaabilsanaha cusub arrimaha milatariga ee Safaaradda Talyaaniga, Navy Capt. Antonino Mazzocca.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga difaaca ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, gaar ahaan dhinacyada tababarka, taageerada farsamo iyo horumarinta awoodda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.











