Wednesday, February 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Wasiirrada XFS oo mowqif cad ka qaatay tallaabada gardarrada ah ee Israa’iil kusoo qaaday madax-bannaanida Soomaaliya

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
2 months ago
in Wararka
0
Golaha Wasiirrada XFS oo mowqif cad ka qaatay tallaabada gardarrada ah ee Israa’iil kusoo qaaday madax-bannaanida Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Dawladda Federaalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale si cad oo aan gorgortan geli karin u xaqiijinaysaa go’aankeeda adag ee ku aaddan ilaalinta madax-bannaanideeda, midnimadeeda qaran iyo wadajirka dhulkeeda, sida ku cad Dastuurka Ku-Meel-Gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Axdiga Qaramada Midoobay, iyo Axdiga Aasaasiga ah ee Midowga Afrika.

Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda oo aan shaki ku jirin u diidaysaa tallaabada sharci-darrada ah iyo weerarka tooska ah ee lagu soo qaaday madax-bannaanideeda, kaas oo ay Israa’iil ku doonayso inay ku aqoonsato waqooyiga Soomaaliya. Gobolka Somaliland waa qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waana dhul aan laga goyn karin, aan la kala saari karin, kana mid ah dhulka qaranka Soomaaliyeed.

Dawladda Federaalka waxay adkaynaysaa in Soomaaliya tahay hal dal oo mideysan, aan la kala qaybin karin, isla markaana aanay jirin cid shisheeye ah oo xaq ama awood u leh inay wax ka beddesho midnimadeeda ama qaab-dhismeedka dhulkeeda. Qoraal, aqoonsi, ama heshiis kasta oo lagu wiiqayo xaqiiqadan waa waxba kama jiraan, sharci iyo siyaasad midna kama laha sharciga caalamiga ah. Arrimaha ku saabsan midnimada Soomaaliya, maamulkeeda iyo nidaamkeeda dastuuriga ah waa xuquuq gaar u ah shacabka Soomaaliyeed, waxaana lagu xallin karaa oo keliya hannaan sharciyeysan, dastuur ah, iyo mid nabadeed.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadaan

Madaxweynaha JFS oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadaan

February 17, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadan

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadan

February 17, 2026

Soomaaliya waxay mar kale ku celinaysaa taageeradeeda mabda’a ku dhisan ee ay la garab taagan tahay xuquuqda sharciga ah ee shacabka Falastiin, gaar ahaan xaqa ay u leeyihiin is-go’aamin. Waxay si adag u diidaysaa gumeysi, barakicin khasab ah, wax ka beddelka qaab-dhismeedka bulshada, iyo ballaarinta deegaamaynta sharci-darrada ah dhammaan noocyadooda. Soomaaliya marnaba ma aqbali doonto in shacabka Falastiin laga dhigo dad aan dal lahayn.

Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay caddeyneysaa inaanay oggolaan doonin in dhulkeeda laga hirgeliyo saldhigyo ciidan oo shisheeye ama heshiisyo militari oo Soomaaliya gelin kara dagaallo wakiil ah ama soo gelin kara colaado goboleed iyo kuwo caalami ah.

Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay ka digaysaa in tallaabooyinka sharci-darrada ah ee noocan ah ay si weyn u wiiqayaan nabadda iyo xasilloonida gobolka, isla markaana ay sii hurinayaan xiisadaha siyaasadeed iyo amni ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, Bariga Dhexe, iyo guud ahaan gobolka. Tallaabooyinkan waxay ka hor imanayaan mas’uuliyadda wadajirka ah ee dowladaha ee la dagaallanka argagixisada, oo ay ka mid yihiin Al-Shabaab iyo Daacish, waxayna abuuri karaan jawi ay kooxaha argagixisadu ka faa’iideystaan xasillooni-darrada siyaasadeed, iyagoo wiiqaya dadaallada socda ee nabadda iyo amniga.

Soomaaliya waxay weli ka go’an tahay wada-shaqayn dhisaysa oo mabda’ ku salaysan oo ay la yeelato beesha caalamka, iyadoo ku dhisan is-ixtiraam, u hoggaansanaan sharciga caalamiga ah, iyo iskaashi goboleed. Arrintan awgeed, Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay xaqiijinaysaa go’aankeeda ah inay qaaddo dhammaan tallaabooyinka diblomaasiyadeed, siyaasadeed, iyo sharci ee lagama maarmaanka ah, si waafaqsan sharciga caalamiga ah, si ay u difaacdo madax-bannaanideeda, midnimadeeda, iyo xuduudaheeda caalamku aqoonsan yahay.

Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed inay ahaadaan kuwo midaysan, feejigan, isla markaana u istaaga difaaca madax-bannaanida iyo wadajirka dhulka qaranka.

Ugu dambayn, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ugu yeeraysaa dhammaan dowladaha iyo saaxiibada caalamiga ah inay ixtiraamaan sharciga caalamiga ah, ay dhowraan mabda’a faragelin-la’aanta iyo dhowrista midnimada dhuleed, ayna u dhaqmaan si mas’uuliyad leh, iyagoo danaynaya nabadda, xasilloonida, iyo amniga Geeska Afrika.

Previous Post

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Next Post

Dowladda Turkiga Oo Si Buuxda U Taageertay Midnimada Iyo Madax-Bannaanida Soomaaliya

Next Post
Dowladda Turkiga Oo Si Buuxda U Taageertay Midnimada Iyo Madax-Bannaanida Soomaaliya

Dowladda Turkiga Oo Si Buuxda U Taageertay Midnimada Iyo Madax-Bannaanida Soomaaliya

Madaxweynaha JFS oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadaan

Madaxweynaha JFS oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadaan

February 17, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan Ummadda Islaamka bilashada bisha barakeysan...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadan

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha Ramadan

February 17, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay curashada bisha Barakaysan ee Ramadaan, ayaa ugu...

Wasaaradda Shaqada XFS oo Muqdisho ku qabatay shirka Isku-duwidda Ilaalinta Bulshada

Wasaaradda Shaqada XFS oo Muqdisho ku qabatay shirka Isku-duwidda Ilaalinta Bulshada

February 17, 2026
0

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabatay Shirka Isku-duwidda Ilaalinta Bulshada (Social Protection...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan qado ah ku maamuusay xubnaha Golaha Mustaqbalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan qado ah ku maamuusay xubnaha Golaha Mustaqbalka

February 17, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan qado ah maanta ku maamuusay xubnaha Madasha Mustaqbalka ee ajiibay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In