Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dalal iyo Ururro Caalami Ah Oo Si Adag Uga Soo Horjeestay Aqoonsiga Israa’iil Ee Maamulka Somaliland

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
10 months ago
in Wararka
0
Dalal iyo Ururro Caalami Ah Oo Si Adag Uga Soo Horjeestay Aqoonsiga Israa’iil Ee Maamulka Somaliland
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Dalal iyo Ururro Caalami ah oo si Adag uga Soo Horjeestay Aqoonsiga Israa’iil ee Maamulka Somaliland

Dalal iyo ururro caalami ah ayaa si isku mid ah u muujiyay diidmo adag oo ka dhan ah aqoonsiga Israa’iil ee maamulka Somaliland, iyagoo mar kale adkeeyay taageerada buuxda ee ay u hayaan madaxbannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Boqortooyada Sacuudiga ayaa caddeysay garab-istaagga Jamhuuriyadda Fadaraalka ah ee Soomaaliya, iyadoo aqoonsiga Israa’iil ku tilmaantay tallaabo sharci-darro ah oo ka hor imaneysa xeerarka caalamiga ah.

Jamhuuriyadda Ciraaq, oo hadda guddoomiyaha Jaamacadda Carabta, ayaa sheegtay in tallaabadan ay xadgudub ku tahay madaxbannaanida Soomaaliya, isla markaana ay khatar ku tahay amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Jamhuuriyadda Yemen ayaa si cad u diidday tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada Qaranka Soomaaliyeed, gaar ahaan xiriir ama aqoonsi u dhexeeya Israa’iil iyo maamulka Somaliland.

Dowladda Kuwait ayaa mar kale caddeysay taageerada buuxda ee ay u hayso madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo si adag u diidday tallaabo kasta oo hal-dhinac ah oo lagu doonayo in lagu aqoonsado gobol ka mid ah dhulka Soomaaliya. Kuwait waxay arrintaas ku tilmaantay mid ka hor imaneysa sharciga caalamiga ah, isla markaana adkaysay garab-istaagga ay la taagan tahay dowladda iyo hay’adaha sharciga ah ee Soomaaliya.

Boqortooyada Urdun ayaa xaqiijisay taageeradeeda buuxda ee midnimada iyo amniga Soomaaliya, iyadoo aqoonsiga Israa’iil ku tilmaantay mid ka soo horjeeda Axdiga Qaramada Midoobay.

Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa si wadajir ah u cambaareeyay tallaabada Israa’iil, iyagoo ku tilmaamay faragelin aan la aqbali karin oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah, waxayna ku baaqeen in la ixtiraamo madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, lana ilaaliyo amniga iyo xasilloonida gobolka.

Previous Post

IGAD Oo Si Adag Uga Soo Horjeesatay Isku Dayga Israa’iil ee Aqoonsiga Gobollada Waqooyi Ee Soomaaliya

Next Post

Madaxweynaha JFS oo wada-tashiyo diblomaasiyadeed baahsan la yeeshay madaxda Bariga iyo geeska Afrika

Next Post
Madaxweynaha JFS oo wada-tashiyo diblomaasiyadeed baahsan la yeeshay madaxda Bariga iyo geeska Afrika

Madaxweynaha JFS oo wada-tashiyo diblomaasiyadeed baahsan la yeeshay madaxda Bariga iyo geeska Afrika

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In