Tuesday, December 30, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Sierra Leone oo si adag u cambaareysay faragelinta Yahuudda ee Midnimada Soomaaliya.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
3 hours ago
in Wararka
0
Dowladda Sierra Leone oo si adag u cambaareysay faragelinta Yahuudda ee Midnimada Soomaaliya.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Sierra Leone ayaa si adag u cambaareysay faragelinta ay Yahuuddu ku hayaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo tallaabadaas ku tilmaantay mid si cad u jebinaysa qawaaniinta caalamiga ah iyo mabaadi’da Qaramada Midoobay.

 

Related posts

Degmooyinka Galmudug ayey ka dhaceen isu soo baxyo waaweyn oo lagu difaacayo midnimada dalka

Degmooyinka Galmudug ayey ka dhaceen isu soo baxyo waaweyn oo lagu difaacayo midnimada dalka

December 30, 2025
Dowladda Faransiiska oo ka hortimid kala qaybsanaanta Soomaaliya

Dowladda Faransiiska oo ka hortimid kala qaybsanaanta Soomaaliya

December 30, 2025

Hadalkan ayaa lagu jeediyay intii uu socday Shirka Qaramada Midoobay (QM), halkaas oo Dowladda Sierra Leone ay ku muujisay walaac xooggan oo ku saabsan faragelinta lagu hayo madaxbannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

 

Sierra Leone waxay si cad u sheegtay inay si buuxda u garab taagan tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay taageersan tahay midnimadeeda iyo madax-bannaanideeda, iyadoo ku baaqday in la ixtiraamo xuduudaha dalalka sida ay dhigayaan heshiisyada caalamiga ah.

 

Ugu dambayn, Dowladda Sierra Leone waxay ku celisay baaqeeda ku aaddan ilaalinta nabadda iyo xasilloonida gobolka, iyadoo mar kale xaqiijisay mowqifkeeda ah in aan la oggolaan karin wax tallaabo ah oo dhaawacaysa qaranimada iyo midnimada Soomaaliya.

Previous Post

Dowladda Koonfur Afrika oo sheegtay in Yahuuddu si rasmi ah u jebiyeen qawaaniinta caalamiga ah

Next Post

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo uga digay Israa’iil faragelinta.

Next Post
Safiirka Soomaaliya u fadhiya Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo uga digay Israa’iil faragelinta.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo uga digay Israa’iil faragelinta.

Degmooyinka Galmudug ayey ka dhaceen isu soo baxyo waaweyn oo lagu difaacayo midnimada dalka

Degmooyinka Galmudug ayey ka dhaceen isu soo baxyo waaweyn oo lagu difaacayo midnimada dalka

December 30, 2025
0

Kummanaan shacab ah oo kasoo horjeeda xadgudubka Israa’iil ayaa isugu soo baxay gobolada iyo degmooyinka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug....

Dowladda Faransiiska oo ka hortimid kala qaybsanaanta Soomaaliya

Dowladda Faransiiska oo ka hortimid kala qaybsanaanta Soomaaliya

December 30, 2025
0

Dowladda Faransiiska ayaa xalay ka hor caddeysay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (QM) mowqifkeeda ku aaddan inaysan ogolaaneyn in Jamhuuriyadda...

Dowladda Turkiga oo taageertay madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya

Dowladda Turkiga oo taageertay madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya

December 30, 2025
0

Dowladda Turkiga ayaa si weyn u garab istaagtay madax-bannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS), iyadoo tallaabadan lagu tilmaamay mid...

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) oo si wadajir ah u diiday faragelinta Israel ee midnimada Soomaaliya.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) oo si wadajir ah u diiday faragelinta Israel ee midnimada Soomaaliya.

December 30, 2025
0

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) ayaa Isniintii si wadajir ah u diiday aqoonsiga Israa’iil ee maamulka Somaliland, kaddib markii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In