Tuesday, December 30, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo uga digay Israa’iil faragelinta.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
3 hours ago
in Wararka
0
Safiirka Soomaaliya u fadhiya Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo uga digay Israa’iil faragelinta.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, Danjire Abuukar Baalle, ayaa si cad uga digay Israa’iil in ay ku xadgudubto madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

Related posts

Degmooyinka Galmudug ayey ka dhaceen isu soo baxyo waaweyn oo lagu difaacayo midnimada dalka

Degmooyinka Galmudug ayey ka dhaceen isu soo baxyo waaweyn oo lagu difaacayo midnimada dalka

December 30, 2025
Dowladda Faransiiska oo ka hortimid kala qaybsanaanta Soomaaliya

Dowladda Faransiiska oo ka hortimid kala qaybsanaanta Soomaaliya

December 30, 2025

Hadalkan ayaa uu jeediyay intii uu socday fadhigii degdegga ahaa ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay (QM), halkaas oo khudbaddiisa lagu caddeeyey walaaca Soomaaliya ku aaddan faragelinta Israa’iil.

 

Danjire Abuukar Baalle ayaa ku adkeeyey in xadgudub kasta oo lagu sameeyo madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya uu yahay tallaabo ka dhan ah qawaaniinta caalamiga ah, isla markaana khatar ku ah nabadda iyo xasilloonida gobolka.

 

Ugu dambayn, Safiirka Soomaaliya ayaa ku baaqay in la ixtiraamo qawaaniinta caalamiga ah, madaxbannaanida dalalka, iyo midnimada Soomaaliya, isagoo mar kale xaqiijiyey taageerada joogtada ah ee Soomaaliya u heysato beesha caalamka.

Previous Post

Dowladda Sierra Leone oo si adag u cambaareysay faragelinta Yahuudda ee Midnimada Soomaaliya.

Next Post

Dowladda Kuwait oo si adag u cambaareysay faragelinta Yahuudda ee Soomaaliya

Next Post
Dowladda Kuwait oo si adag u cambaareysay faragelinta Yahuudda ee Soomaaliya

Dowladda Kuwait oo si adag u cambaareysay faragelinta Yahuudda ee Soomaaliya

Degmooyinka Galmudug ayey ka dhaceen isu soo baxyo waaweyn oo lagu difaacayo midnimada dalka

Degmooyinka Galmudug ayey ka dhaceen isu soo baxyo waaweyn oo lagu difaacayo midnimada dalka

December 30, 2025
0

Kummanaan shacab ah oo kasoo horjeeda xadgudubka Israa’iil ayaa isugu soo baxay gobolada iyo degmooyinka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug....

Dowladda Faransiiska oo ka hortimid kala qaybsanaanta Soomaaliya

Dowladda Faransiiska oo ka hortimid kala qaybsanaanta Soomaaliya

December 30, 2025
0

Dowladda Faransiiska ayaa xalay ka hor caddeysay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (QM) mowqifkeeda ku aaddan inaysan ogolaaneyn in Jamhuuriyadda...

Dowladda Turkiga oo taageertay madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya

Dowladda Turkiga oo taageertay madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya

December 30, 2025
0

Dowladda Turkiga ayaa si weyn u garab istaagtay madax-bannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS), iyadoo tallaabadan lagu tilmaamay mid...

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) oo si wadajir ah u diiday faragelinta Israel ee midnimada Soomaaliya.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) oo si wadajir ah u diiday faragelinta Israel ee midnimada Soomaaliya.

December 30, 2025
0

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) ayaa Isniintii si wadajir ah u diiday aqoonsiga Israa’iil ee maamulka Somaliland, kaddib markii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In