Midowga Afrika ayaa si adag u cambaareeyey tallaabadii Yahuudda ee ku faragalisay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo tallaabadaas lagu tilmaamay mid si toos ah u dhaawacaysa madaxbannaanida iyo midnimada dalka.
Hadalkan ayaa laga jeediyay kulan xalay oo Golaha Qaramada Midoobay (QM) uu yeeshay, halkaas oo Midowga Afrika si cad ugu muujiyey walaaca iyo mowqifka ay ka qabto faragelinta lagu hayo qaranimada Soomaaliya.
Midowga Afrika ayaa caddeeyey in ay si buuxda u garab taagan tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay taageersan tahay ilaalinta midnimadeeda, madax-bannaanideeda, iyo qaranimadeeda.
Waxay sidoo kale ku baaqday in la ixtiraamo shuruucda caalamiga ah iyo mabaadi’da ku saleysan madaxbannaanida dalalka, iyadoo si cad uga digtay in wax tallaabo ah oo dhaawacaysa xasilloonida Soomaaliya iyo gobolka aan la oggolaan karin.
Midowga Afrika waxay xaqiijisay mowqifkeeda joogtada ah ee ku aaddan taageerada Soomaaliya iyo nabadda gobolka, iyadoo mar kale caddeysay in midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya ay yihiin kuwo la ixtiraamo.











