Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) ayaa Isniintii si wadajir ah u diiday aqoonsiga Israa’iil ee maamulka Somaliland, kaddib markii 14 ka mid ah 15-ka waddan ee xubnaha golahaasi ay si cad u cambaareeyeen tallaabadaas.
Intii uu socday kulanka degdegga ah, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka digtay in aqoonsigaasi uu gogol-xaar u noqon karo qorshe halis ah oo lagu doonayo in si qasab ah Falastiiniyiinta looga raro Qaza ,lana geeyo Geeska Afrika.
Kalfadhiga degdegga ah oo loo qabtay in lagu falanqeeyo xiisadda diblomaasiyadeed ee ka dhalatay tallaabadaas ayaa muujisay in Mareykanku uu ahaa waddanka kaliya ee ka mid ah 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee ka gaabsaday cambaareynta aqoonsiga Israa’iil siisay maamulka gooni-goosadka ah.
Inkasta oo ay arrintaasi keentay go’doomin diblomaasiyadeed, Washington waxay caddeysay in mowqifkeeda siyaasadeed uusan wax isbeddel ah ku iman. Ku-xigeenka wakiilka Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Tammy Bruce, ayaa sheegtay in inkasta oo Israa’iil ay xaq u leedahay inay samaysato xiriir diblomaasiyadeed, haddana Mareykanku “uusan soo saarin wax bayaan ah oo ku saabsan aqoonsi Somaliland, isla markaana aysan jirin wax isbeddel ah oo ku yimid siyaasadda Mareykanka.”
Isagoo hadal ka jeediyay Golaha Ammaanka,
Ergeyga Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Danjire Abuu Bakar Daahir Cismaan oo hadal ka jeediyay golaha ammaanka ayaa ugu baaqay xubnaha golaha inay si adag u diidaan falalka gardarrada ah ee Israel,isagoo caraka ku adkeeyay in tallaabadani aysan khatar ku ahayn oo kaliya midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, balse ay sidoo kale halis weyn ku tahay xasilloonida guud ee Geeska Afrika iyo gobollada ku teedsan Badda Cas.
Danjiruhu waxa uu si gaar ah u muujiyay walaac ku aaddan suurtagalnimada in tallaabadan looga gol leeyahay in lagu fududeeyo qorshe Israa’iil ay ku doonayso in si qasab ah “dadka Falastiiniyiinta looga raro Qaza loona dajiyo gobolka waqooyi-galbeed ee Soomaaliya.”
“Xadgudubkaan ka dhanka ah sharciga caalamiga ah iyo akhlaaqda bani’aadanimo waa in si degdeg ah loo joojiyaa,” ayuu Danjire Cismaan u sheegay Golaha, isaga oo ku tilmaamay qorshe kasta oo barakicin qasab ah mid si cad uga hor imaanaya xeerarka iyo heshiisyada caalamiga ah.
Walaaca la xiriira barakicinta Falastiiniyiinta ayaa sidoo kale ay muujiyeen wufuud kale oo muhiim ah, Iyagoo ku hadlaya magaca 22-ka waddan ee xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta.
Ergeyga Qaramada Midoobay, Maajid Cabdulfataax Cabdulcasiis, ayaa sheegay in Jaamacadda Carabtu ay si buuxda u diidan tahay “tallaabo kasta oo ka dhalatay aqoonsigan sharci-darrada ah, kuna wajahan fududeynta barakicinta qasabka ah ee dadka Falastiiniyiinta, ama ka faa’iidaysiga dekedaha waqooyiga Soomaaliya si loogu dhiso saldhigyo ciidan.
Sidoo kale, Ku-xigeenka Safiirka Pakistan ee Qaramada Midoobay, Maxamed Cusmaan Iqbal Jadoon, ayaa ku tilmaamay aqoonsiga mid “sharci-darro ah” iyo “aad u halis badan,” isaga oo xusay inuu ka hor imanayo tixraacyo hore oo gobolka loogu arkayay meel Falastiiniyiinta lagu masaafuriyo.
Shiinaha iyo Boqortooyada Ingiriiska, oo labaduba ah xubno joogto ah oo Golaha Ammaanka ka tirsan, ayaa ku biiray mowqifka diidmada,waxaana Ergeyga Shiinaha ee Qaramada Midoobay, Sun Lei, uu sheegay in Beijing “ay si adag uga soo horjeeddo fal kasta oo lagu kala qaybinayo dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Koonfur Afrika ayaa iyaguna xaqiijiyay madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, taas oo ku asteysan xeerarka Midowga Afrika.











