Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwo deegaanka ayaa maanta jab xooggan gaarsiiyey kooxda Khawaarijta ah, kadib markii ay isku dayeen inay weerar arbushaad ah ku qaadaan fariisin ay ciidanku ku la-haayeen deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in xubno ka tirsan Argagaxisada meydadkooda daadsan yihiin deegaanka Wargaadhi, walina ay ku raad-joogaan qeyb badan oo duurka u firxaday kadib markii ay dagaaalka ku jabeen.
Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay inay horay uga sii digtoonaayeen isku dayada nafla caariga ee Khawaarijta.









