Wednesday, February 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay sharciyo muhiim ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 months ago
in Wararka
0
Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay sharciyo muhiim ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulan aan caadi ahayn, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee amniga dalka iyo howlgalladii ugu dambeeyay ee ay fuliyeen ciidanka xoogga dalka oo guulo waaweyn kasoo hooyey dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah, iyo doorashooyinkii goleyaasha deegaanka Gobolka Banaadir, ee dhowaan sida guusha ah uga qabsoomay caasimadda.

Kulanka oo uu shir-guddoomiyey Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu weheliyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hadal-jeedin looga dhagaystay Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo si faahfaahsan uga warbixiyay xaaladda guud ee dalka, isaga oo si weyn golaha ugu bogaadiyay kaalintii muuqatay ee ay ka qaateen qabsoomidda doorashooyinkii qof iyo codka ahaa ee casimadda ka qabsoomay 25-tii Diseembar, 2025, taas oo uu Madaxweynaha ku tilmaamay dhacdo taariikhi ah oo dad badan ay shaki ka qabeen in ay qabsoomi karto.

Related posts

Tartamayaasha Xudur oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Xudur oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka “SAWIRRO”

February 24, 2026
Danjire Fatxudiin oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan Kazakhstan

Danjire Fatxudiin oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan Kazakhstan

February 24, 2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sidoo kale ka hadlay duulaankii qaawanaa ee lagu soo qaaday Qaranimada, wuxuuna sheegay in guulo wax ku ool ah laga gaaray tallaabooyinka diblumaasiyadeed ee dowladdu kaga jawaabtay weerarkaas, isaga oo golaha kula dardaarmay in sida wadajir ah u waajahaan difaaca dalka. Madaxweynaha JFS, ayaa sidoo kale golaha Wasiirada ku booriyay in ay si midnimo, wadajir iyo wadatashi ah ku wajahaan xaaladda dalka, iyo u adeegidda shacabka Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda JFS, ayaa ansixiyey labo heshiis oo muhiim u ah Qaranka iyo iskaashiga dowladaha saaxiibada la ah Soomaaliya, waxa ayna kala yihiin.

1) Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Uganda oo ku saabsan iskaashiga amniga.

2) Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya dowladda Soomaaliya iy Boqortooyada Sacuudiga kuna saabsan iskaashiga gaadiidka badda.

Sidoo Kale golaha Wasiirrada ayaa meelmariyey Hindise-Sharciyeedyo iyo Siyaadadaha kala ah.

1) Hindise-Sharciyeedka Caddeymaha.

2) Axdiga Caalamiga ah ee Halbeegyada Tababbarka iyo Shahaado-siinta ilaalinta badmaaxiinta 1978.

3) Xeerka dhismaha Machadka Soomaaliyeed ee Badaha.

4) Xeer-nidaamiyaha Sharciga Dhowrista Xogta Dadweynaha

5) Siyaasadda Qaran ee Naafada Soomaaliyeed

Ugu dambeyn, golaha ayaa warbixin ka dhagaystay Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS, Mudane Daahir Shire Maxamed, taas oo ku saabsan howlaha soo saarista shidaalka oo dhowaan laga bilaabi doono dalka, iyo warbixin ku saabsan xaaladda abaaraha dalka taas oo goluhu ka dhageystay Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA.).

Previous Post

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Golaha Wasiirrada uga warbixiyay Xaaladda Abaareed ee Dalka

Next Post

Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal ka dhacay Gedo ku dilay dhagarqabayaal

Next Post
Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal ka dhacay Gedo ku dilay dhagarqabayaal

Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal ka dhacay Gedo ku dilay dhagarqabayaal

Tartamayaasha Xudur oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Xudur oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka “SAWIRRO”

February 24, 2026
0

  Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos...

Danjire Fatxudiin oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan Kazakhstan

Danjire Fatxudiin oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan Kazakhstan

February 24, 2026
0

Danjire Fatxudiin Cali Maxamed, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Kazakhstan, ayaa kulan heer sare ah kula yeeshay magaalada...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay xubin sare oo ka tirsan Qoyska Boqortooyada Ingiriiska

Madaxweynaha JFS oo qaabilay xubin sare oo ka tirsan Qoyska Boqortooyada Ingiriiska

February 24, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Marwo Sophie (Duchess of Edinburgh) oo ah...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo adkaynaysaa hirgelinta hannaan doorasho oo waafaqsan dastuurka dalka

February 24, 2026
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay adkaynaysaa hirgelinta hannaan doorasho oo waafaqsan dastuurka dalka, kana turjumaysa rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, iyadoo la ilaalineysa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In