Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa Isniintii wadahadal laba geesood ah oo fogaan-arag ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Kuuriyada Koonfureed Mudane Dr. Cho Hyun,
Wadahadalladu waxay diiradda saareen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo ballaarinta iskaashiga u dhexeeya labada dal. Labada Wasiir waxay sidoo kale dib u eegeen arrimo dhowr ah oo dan wadaag ah, oo ay ka mid tahay joogitaanka ciidamada badda ee Jamhuuriyadda Kuuriya Koonfureed ee Gacanka Cadmeed, iyo sidoo kale horumarrada guud ee heer gobol iyo heer caalami.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kuuriyada Koonfureed ayaa mar kale xaqiijiyay ixtiraamka buuxa ee Dowladda Kuuriya ay u hayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo adkeeyay sida ay uga go’an tahay ku-dhaqanka sharciga caalamiga ah iyo faragelin la’aanta arrimaha gudaha ee dalalka kale.











