Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabduullaahi Cali Xersi (Timacadde), oo ay wehliyaan Wasiirada Arrimaha Gudaha, Amniga, Xanaanada Xoolaha, Gaashaandhigga, Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee DFS ayaa maanta waxaa magaalada Laascaanood kulan soo dhaweyn ah ugu sameeyay Wasiirka Wasaaradda Tamarta ee Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar).
Guddoomiye Cabduullaahi Cali Xersi (Timacadde), Wasiirada iyo Xildhibaannada ayaa uga mahadceliyay Sarreeye Gaas Xijaar munaasabadda qado-sharafta ah ee qiimaha badan, iyagoo bogaadiyay Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari, horumarka ka jira iyo doorka ay ka qaadato midnimada iyo ilaalinta Qaranimada Soomaaliya.
Sidoo kale, munaasabadaan waxaa ka soo qaybgalay qaybo kala duwan oo ka mid ah waxgaradka Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, sida odayaasha dhaqanka, culimada, iyo marti-sharaf kale.























