Howlgal culus oo saacadihii la soo dhaafay Ciidamada Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka fuliyeen nawaaxiga deegaanka Buulo-Xaaji ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa lagu dilay ku dhawaad 20 ka tirsan khawaarijta halka tiro intaas ka badana la dhaawacay.
Inta uu howlgalku socday Ciidamada Qaranka ayaa burburiyey godad ay ku dhuumaalaysanayeen khawaarijta jabka xoogan loo gaystay, Ciidamada ayaa soo furtay saanad Ciidan oo aad u badan.











