Thursday, January 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Gaadiid iyo Duulista Hawada XFS oo kormeer ku tagay Wasaaradda Hawlaha Guud ee maamulka Waqooyi Bari

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
3 hours ago
in Wararka
0
Wasiirka Gaadiid iyo Duulista Hawada XFS oo kormeer ku tagay Wasaaradda Hawlaha Guud ee maamulka Waqooyi Bari
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO(LAASCAANOOD):-Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidka ee Maamulka Waqooyi Bari.

Wasiirka ayaa waxaa si diirran usoo dhaweeyey Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidka, Wasiir ku-xigeenka, Agaasimaha Guud iyo dhammaan shaqaalaha wasaaradda, kuwaas oo Wasiirka uga warbixiyey hawlaha shaqo ee ka socda wasaaradda iyo qorshayaasha horumarineed ee u degsan.

Related posts

Ciidamada Sirdoonka NISA oo hawlgal culus ka fuliyay gobolka Jubbadda Dhexe

Ciidamada Sirdoonka NISA oo hawlgal culus ka fuliyay gobolka Jubbadda Dhexe

January 15, 2026
Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha XFS oo booqday xarunta Ururka Midowga Shaqaalaha Turkiga ee MEMUR-SEN

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha XFS oo booqday xarunta Ururka Midowga Shaqaalaha Turkiga ee MEMUR-SEN

January 15, 2026

Ujeeddada kormeerka ayaa ahayd kuurgalidda hawlaha shaqo ee wasaaradda, qiimaynta heerka horumarineed ee mashaariicda socda, xoojinta wada-shaqaynta u dhaxaysa hay’adaha heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, iyo la socodka caqabadaha jira si xal waara loogu helo, loona dardargeliyo horumarinta adeegyada gaadiidka.

Intii uu kormeerku socday, Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee JFS ayaa bogaadiyey dadaallada ay wadaan maamulka iyo shaqaalaha wasaaradda, isagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay isku-duwidda iyo wada-shaqaynta si loo gaaro horumar waara oo ku yimaada kaabayaasha gaadiidka dalka.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa ballanqaaday in Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee JFS ay sii xoojin doonto taageerada farsamo iyo tan siyaasadeed ee ku aaddan horumarinta adeegyada gaadiidka, si loo xaqiijiyo gaadiid hufan, ammaan ah, isla markaana u adeegaya baahiyaha bulshada.

Previous Post

Ciidamada Sirdoonka NISA oo hawlgal culus ka fuliyay gobolka Jubbadda Dhexe

Wasiirka Gaadiid iyo Duulista Hawada XFS oo kormeer ku tagay Wasaaradda Hawlaha Guud ee maamulka Waqooyi Bari

Wasiirka Gaadiid iyo Duulista Hawada XFS oo kormeer ku tagay Wasaaradda Hawlaha Guud ee maamulka Waqooyi Bari

January 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO(LAASCAANOOD):-Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux, ayaa maanta kormeer shaqo ku...

Ciidamada Sirdoonka NISA oo hawlgal culus ka fuliyay gobolka Jubbadda Dhexe

Ciidamada Sirdoonka NISA oo hawlgal culus ka fuliyay gobolka Jubbadda Dhexe

January 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO(JUBBADA DHEXE):-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya Saaxiibada caalamka ayaa saacadihii lasoo dhaafay ku hawlanaa, fulinta...

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha XFS oo booqday xarunta Ururka Midowga Shaqaalaha Turkiga ee MEMUR-SEN

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha XFS oo booqday xarunta Ururka Midowga Shaqaalaha Turkiga ee MEMUR-SEN

January 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO(TURKY):-Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalim Caliyow Ibrow, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa...

Wasiir Fiqi”Socdaalkeenna Laascaanood wuxuu dirayaa farriin miisaan leh.”

Wasiir Fiqi”Socdaalkeenna Laascaanood wuxuu dirayaa farriin miisaan leh.”

January 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO(LAASCAANOOD):-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS  Axmed Macallin Fiqi oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in dadka Woqooyi Bari ay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In