RADIO MUQDISHO(SHABEELLAHA DHEXE):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay maydadka tiro ka mid ah Khawaarijta iyo hub fara badan oo looga furtay dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Jabad Godone ee Gobolka Shabeellada Dhexe.
Ciidanku waxay si guul leh u fashiliyeen isku day weerar ah oo ay Khawaarijtu soo qaadeen, waxaana halkaas lagu soo bandhigay maydadka malleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsanaa Khawaarijta, kuwaas oo qeyb ka ahaa dhagartii ay soo maleegeen.
Sidoo kale, waxaa dagaalkaas lagu furtay hub noocyo kala duwan leh oo ay goobta dagaalka kaga carareen kadib markii ay jabeen Khawaarijtu.










