Sunday, August 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Agaasimaha Hay’adda Maaliyadda Caalamiga ah ee Bariga Afrika

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 months ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Agaasimaha Hay’adda Maaliyadda Caalamiga ah ee Bariga Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Hay’adda Maaliyadda caalamiga ah (IFC) ee Bariga Afrika, oo qeyb ka ah Bangiga Adduunka, Marwo Mary Porter Peschka, oo booqasho ku timid magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adda, gaar ahaan hirgalinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka, (NTP 20025-2029), kaasi oo ah hiigsi weyn oo lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha, kobcinta shirkadaha gaarka loo leeyahay, xoojinta ka-qaybgalka mashaaariicda dheef wadaagga ah iyo dhiirrigelinta hal-abuurka iyo ganacsiga.

Related posts

Ciidamada Deegaanka oo Deegaanka Tawakal ku dilay Horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Ciidamada Deegaanka oo Deegaanka Tawakal ku dilay Horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

August 23, 2026
Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

August 22, 2026

Ra’iisul Wasaaraha Xamsa, ayaa uga mahadceliyey Hay’adda Maaliyadda caalamiga ah ee Bariga Afrika, doorka ay ka qaadanayso taageerada maaliyadeed iyo horumarinta dhaqaalaha dalka, isaga oo xusay in Soomaaliya ay ku tallaabsatay kobac dhanka dakhliga ah.

Dhankeeda Marwo Mary Porter Peschka, ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadcelisay qaabilaaddiisa, iyada oo xustay in ay xoojinayaan wada-shaqaynta kala dhexaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Previous Post

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis dhanka iskaashiga Difaaca ah

Next Post

Somalia and Sudan Reaffirm Strong Bilateral Relations

Next Post
Somalia and Sudan Reaffirm Strong Bilateral Relations

Somalia and Sudan Reaffirm Strong Bilateral Relations

Ciidamada Deegaanka oo Deegaanka Tawakal ku dilay Horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Ciidamada Deegaanka oo Deegaanka Tawakal ku dilay Horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

August 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Laba ka tirsan ciidamada Macawisleyda deegaanka Wargaadhi, ayaa21-ka Agoosto 2026 deegaanka Tawakal oo qiyaastii shan kiiloomitir u jira Cali...

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

August 22, 2026
0

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada iyo goobaha ay ka dhacaan ayaa loo soo xiray saraakiil iyo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐡𝐚𝐭𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐡𝐚𝐭𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚

August 22, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Shir-guddoomiyey kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Qaran ee Maareynta...

Ciidanka Xoogga Dalka  oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Baay

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Baay

August 22, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howgal qorsheyn ka fuliyey gobolka Baay, kaas oo lagu beegsaday goobo ay Khawaarijtu u adeegsan jireen...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In