Munaasabad ballaaran oo lagu soo bandhigayay waxqabadka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya intii lagu guda jiray sanadkii 2025-kii, isla markaana lagu abaalmarinayay shaqaalaha Wasaaradda, ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin sare oo ka socday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, madax ka tirsan Wasaaradda Qorsheynta, marti sharaf kala duwan iyo dhammaan shaqaalaha Wasaaradda.
Intii ay socotay munaasabadda, waxaa si faahfaahsan loo soo bandhigay guulaha ay Wasaaraddu ka gaartay qorsheynta horumarineed, isku xirka hay’adaha dowladda, diyaarinta qorshayaasha qaranka iyo hirgelinta mashaariic horumarineed oo wax ku ool ah.
Sidoo kale, Wasaaradda ayaa abaalmarinno guddoonsiisay shaqaale lagu tilmaamay kuwo si hufan, daacadnimo iyo karti leh u gutay waajibaadkooda shaqo, taas oo muujinaysa dhiirrigelin iyo qiimeyn lagu sameeyay shaqaalaha Wasaaradda.
Masuuliyiinta ka hadlay munaasabadda ayaa bogaadiyay dadaalka shaqaalaha, iyaga oo xusay in horumarka la gaaray uu yahay mid ku yimid wada-shaqeyn iyo hoggaan wanaagsan, ayna Wasaaraddu ka go’an tahay sii xoojinta qorsheynta horumarineed ee dalka.










