RADIO MUQDISHO(QATAR):-Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa kulan la yeeshay saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ka qalin-jabisay Akademiyadda Booliska ee Qatar.
Wasiirka ayaa ugu hambalyeeyay saraakiisha guusha ay ka gaareen waxbarashadooda, isaga oo ku ammaanay dadaalkooda, adkaysigooda iyo heerka sare ee xirfadeed ee ay gaareen. Waxa uu ku dhiirrigeliyay in aqoonta iyo waayo-aragnimada ay ka heleen Akademiyadda ay u adeegsadaan difaaca qaranka, horumarinta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo u adeegidda shacabka Soomaaliyeed.











