Waxaa maanta kulankoodii ugu horreeyey yeeshay labadii guddi farsamo ee kala matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.
Kulankan oo maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho waxaa si buuxda uga qeyb-galay labada dhinac, wuxuuna ku bilowday jawi isfahan iyo wada-shaqeyn wanaagsan, taas oo muujinaysa in dhinacyadu diyaar u yihiin in arrimaha masiiriga ah horumar laga sameeyo.
Kulanka qeybtiisa labaad ayaa waxaa loo balamey maalinta berri ah oo ku beegan 29 Janaayo 2026.











