RADIO MUQDISHO:- Go’aan kasoo baxay xafiiska Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa looga joojiyay ka-qeybgalka kulamada wadajirka labada Gole tiro 12 kulan ah Senatarrada kala ah Sanatar Leyla Nuur Maax iyo Sanatar Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), kaddib qalalaaso iyo ku xadgudub Xeerhoosaadka Golaha Aqalka Sare oo ay ku kaceen labada Sanatar intii uu socday kulan wadajir ah oo ay labada Gole yeesheen 28-kii Janaayo, 2026.











