Monday, February 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Muxuu Salka ku hayay Weerarkii Shabaabku ku qaadeen Jabad Godane?

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
3 hours ago
in Wararka
0
Muxuu Salka ku hayay Weerarkii Shabaabku ku qaadeen Jabad Godane?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Yuusuf Kaba Kutukade oo ah Ninka kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab ugu magacaaban Gobalka Sh/ Dhaxe oo ka hadalayay Duqentii ka dhacday Deegaanka Maxaa Saciid ee lagu laayay koox ka tirsaneyd ayaa yiri dhawaan “Turkiyow Inaad disho Dadka degan Gobalka Sh/dhexe, hadana aad na tiraahdo Warsheikh ayaan Satarleyd ka diraa marnaba macquul ma ahan”, waana kuugula Xisaabtami doonaa ayuu sii raaciyay.

 

Related posts

Wasiirka Caafimaadka oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee WHO

Wasiirka Caafimaadka oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee WHO

February 9, 2026
Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis is-afgarad oo lagu xoojinayo iskaashiga tacliinta sare iyo cilmibaarista

Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis is-afgarad oo lagu xoojinayo iskaashiga tacliinta sare iyo cilmibaarista

February 9, 2026

Haddaba maxaa halkaasi kaaga baxay in duulaanka Khawaarijta ee Gobolk Shabeelada Dhexe uu salka ku haayo inay ka hortagaan dadaalada horumarineed ee ka socda gobolka, islamarkaana ay carqaladeeyaan dhammaan dhismyaasha kala ah garooka diyaaradaha ee casriga,Dekedda, hirgalinta mashruucyo kale oo wax tar u leh Dalka iyo Dadkaba, kuwaasi oo ka socda nawaaxiga Degmada Warseekh.

 

Aan qoraalkan ku bal-ballaarinee, si aad u fahanto ujeedka kooxda Khawaarijta ah: markii la soo gaaray Janaayo 2024-kii, shan bil kahor intaan la saxiixin heshiiskii rasmiga ahaa ee Luulyo 2024-kii, kooxda Shabaab waxay billaabeen qorshe ballaaran oo ay ku carqaladaynayaan mashruucaas. Sida ay caddeynayaan Falanqeeyayaasha dhanka amniga ayaa tibaaxaya in Kooxda oo u muuqata inay heleen maalgelin aad u xooggan ayay ku qorteen kumanaan dagaalyahan, dhanka kalena, waxay ku kala furfureen dadkii deegaanka ee dowladda la socday, taasi oo ay Kooxdu fahamsanayd in dhismaha saldhigga ee xeebaha Warsheekh iyo Cadalle uu soo afjarayo saamayntooda gobolka Shabeellaha Dhexe, taas oo sii afjaraysa joogitaankooda Hiiraan, Galguduud, iyo Mudug.

 

Haddaba waa tan ujeedada Kooxda Khawaarijta ah ee ay damacdsneyd, Bishii Febraayo 2025-kii, kooxda ayaa soo qaaday duullaan ballaaran. Ujeedka duullaankaas ayaa ahaa inay u gurmadaan dagaalyahannadooda ku go’doomay Galmudug, inay meesha ka saaraan saldhigga dagaalka laga hago ee ku yaalla Aadanyabaal iyo ujeedka u muhiimsanaa oo ah inay u soo dhawaadaan Aagga Xeebta Warshiikh iyo Cadalle. Saldhigga labaad ee dagaalka laga hagayay waxa uu ahaa Wargaadhi, maadaama kii koowaad ee Aadan yabaal meesha ka baxay, si dabiici ah ayay Wargaadhi u noqotay midkii kowaad. Laba jeer ayay kooxda iskudayday inay la wareegto oo culays saarto Wargaadhi, waa se ku fashilmeen.

 

Xog la helay ayaa sheegeysa in dhammaadkii 2025-kii, kooxda Khawaarijta ah ayaa qaadatay tallaabo dhanka Millatariga ah oo aad u xeeladaysan, waxayna fadhiisinkooda ugu weyn ka samaysteen deegaanka Masalla, oo ku yaalla inta u dhexaysa Xawaadley iyo Warciise, si ay u xaqiijiyaan joogitaankooda muddada dheer, iyagoo deegaankaas ka qoteen ceel biyood, kaas oo hadda ugu adeega sidii halbowlaha. Masalla ayaa qiyaastii degmada Warshiikh u jirta 70km, waxayna iskudayday inay isku soo fidiso dhanka Xeebta, iyada oo mar qabsatay deegaanka Jabad-godane. “Deegaankan wuxuu Warsheekh u jiraa kaliya 20km. Waa goob isku xirta waddooyinka ka yimaada Xawaadley, Warciise, Raage-ceele, Warsheekh, iyo Balcad. In kasta oo dawladdu isbuucan la wareegtay Jabad godane, haddana kooxda waxay fadhidaa masaafo ka yar 30km, taas oo ka dhigan in saldhigga Turkiga uu weli ku jiro Yellow Zone”, sidaasi waxaa yiri Nin ka soo jeeda deegaannadaasi oo u waramay Warbaahinta.

 

“Halka saldhigga u ah ee ay ka soo duullaan tagayaan kooxda Khawaarijta waa deegaanka Masalla. Deegaankan ma ahan oo kaliya tuulo, balse waa goob istiraatiiji ah oo laga koontarooli karo dhaqdhaqaaqa deegaannada Xeebta. Haddii dawladda iyo Turkigu ay rabaan inay sugaan amniga Aagga ‘Xagay Dag’ oo ah halka saldhigga dayax-gacmeedka laga dhisayo waa inay marka hore burburiyaan fadhiisinka Masalla. Joogitaanka kooxda Al-Shabaab ee halkaas waxay u saamaxaysaa inay u dhowaadaan Xeebta, iyagoo isticmaalaya dhulka jiqda ah ee keynta ah ee u dhexeeya Masalla iyo Jabad-Godane”, ayuu sii raaciyay.

 

Dadka wax taxliiliya ayaa qaba in qabsashada deegaanka Jabad-godane ma ahan oo kaliya guul ciidan, balse waa xariiqda kala baxa ee u dhexaysa in Soomaaliya ay u gudubto mustaqbal casri ah. Warbixintan waxay daah-furaysaa sirtii ka dambaysay duullaanka kooxda Al-Shabaab ee sannadkii hore iyo sababta uu “Ceelka Masalla” hadda u yahay halka uu ku xiran yahay masiirka iyo hammiga Soomaaliya iyo Turkiga.

 

Hawlaha hortabinta leh waa qabsashada buundooyinka Xawaadleey. Hubka iyo diyaaradaha uu Turkiga maalmahan ku soo daabulayo Soomaaliya iyo magacaabidda Taliyahan cusub, waxa aan ka rajaynaynaan in xarkihii uu xirxiray Yuusuf Kaba kutukade inay kala fur-furan, dabadeedna jirkiisa gantaal lagu kala furfuro. Kabakutukade waa guddoomiyaha iyo waaliga kooxda Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waana Ninkii hoggaaminayay duullaankii Aadan yabaal lagu qabsaday.

Previous Post

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Next Post

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Next Post
Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Caafimaadka oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee WHO

Wasiirka Caafimaadka oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee WHO

February 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa magaalada Geneva kulan miro-dhal...

Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis is-afgarad oo lagu xoojinayo iskaashiga tacliinta sare iyo cilmibaarista

Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis is-afgarad oo lagu xoojinayo iskaashiga tacliinta sare iyo cilmibaarista

February 9, 2026
0

Wasaaradaha Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Tacliinta Sare iyo Cilmibaarista ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa...

Dowladda Soomaaliy oo soo dhaweysay dib u soo celinta ka-qeybgalka buuxa Suudaan ee IGAD

Dowladda Soomaaliy oo soo dhaweysay dib u soo celinta ka-qeybgalka buuxa Suudaan ee IGAD

February 9, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si diirran u soo dhaweynaysaa go’aanka ay Dowladda walaalaha ah ee Jamhuuriyadda Suudaan dib ugu billowday...

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

February 9, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In