Tuesday, March 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis is-afgarad oo lagu xoojinayo iskaashiga tacliinta sare iyo cilmibaarista

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
2 months ago
in Wararka
0
Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis is-afgarad oo lagu xoojinayo iskaashiga tacliinta sare iyo cilmibaarista
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradaha Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Tacliinta Sare iyo Cilmibaarista ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta si rasmi ah u kala saxiixday Heshiis Is-afgarad (MoU) oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dal ee dhinacyada tacliinta sare iyo cilmibaarista.

 

Related posts

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo caawa ciyaar adag la leh xulka Mauritius.

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo caawa ciyaar adag la leh xulka Mauritius.

March 31, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda  abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

March 31, 2026

Heshiiskan oo lagu saxiixay magaalada Muqdisho ayaa ujeeddadiisu tahay in la sameeyo hannaan rasmi ah oo fududeynaya is-weydaarsiga tacliimeed iyo cilmiyeed ee u dhexeeya jaamacadaha iyo hay’adaha tacliinta sare ee labada dal.

Heshiiska ayaa diiradda saaraya qodobadan soo socda:

Is-weydaarsiga ardayda, macallimiinta jaamacadaha iyo cilmibaarayaasha

Taageeridda tababarrada iyo barnaamijyada cilmibaarista ee muddada gaaban

Abaabulka shirar, aqoon-is-weydaarsiyo iyo siminaarro wadajir ah

Hirgelinta barnaamijyo shahaado-wadaag ah (Bachelor, Master iyo PhD)

Fududeynta helitaanka deeqaha waxbarasho iyo aqoonsiga shahaadooyinka

 

Labada dal ayaa sidoo kale ku heshiiyay ilaalinta xuquuqda hantida aqooneed (Intellectual Property) ee ka dhalata cilmibaarista wadajirka ah, iyadoo la raacayo shuruucda qaran iyo heshiisyada caalamiga ah.

 

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa sheegay in heshiiskani uu xoojinayo xiriirka taariikhiga ah ee walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, isla markaana uu kor u qaadayo tayada waxbarashada sare iyo horumarinta cilmibaarista dalka.

 

Dhankiisa, Wasiirka Wasaaradda Tacliinta Sare iyo Cilmibaarista ee Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Nabiil Maxamed Axmed, ayaa carrabka ku adkeeyay in iskaashigan uu abuuri doono fursado ballaaran oo ay ka faa’iideysan doonaan ardayda iyo macallimiinta labada dal, isla markaana uu gacan ka geysan doono kobcinta aqoonta iyo horumarka guud ee gobolka.

 

Heshiiskan ayaa ka tarjumaya dadaalka joogtada ah ee labada dowladood ay ugu jiraan xoojinta iskaashiga istiraatiijiyadeed iyo horumarinta mustaqbalka jiilasha soo koraya.

Previous Post

Dowladda Soomaaliy oo soo dhaweysay dib u soo celinta ka-qeybgalka buuxa Suudaan ee IGAD

Next Post

Wasiirka Caafimaadka oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee WHO

Next Post
Wasiirka Caafimaadka oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee WHO

Wasiirka Caafimaadka oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee WHO

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo caawa ciyaar adag la leh xulka Mauritius.

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo caawa ciyaar adag la leh xulka Mauritius.

March 31, 2026
0

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa caawa 06:00 PM ciyaar adag oo qeyb ka ah isreeb-reebka hordhaca ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda  abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

March 31, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qayb galay munaasabadda maamuuska iyo abaalmarinta barnaamijka “Daaci...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS oo si KMG ah maamul cusub ugu magcaawday Gobolka Shabeellada Hoose.

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

March 30, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Muqdisho ku qaabishay ku xigeenka xafiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In