Friday, May 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Amniga Gudaha Oo Hambalyo u dray Ciidanka Badda Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 months ago
in Wararka
0
Wasiirka Amniga Gudaha Oo Hambalyo u dray Ciidanka Badda Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), kuwaas oo maanta u dabbaaldegaya sannad-guuradii 61-aad ee ka soo wareegtay aasaaskooda.

Wasiirka ayaa ku ammaanay Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha doorka muhiimka ah ee ay ka qaataan sugidda amniga badda, ilaalinta xeebaha dalka, iyo difaaca madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Related posts

Taliyaha CXDS oo lagu soo dhaweeyay Dhuusamareeb

Taliyaha CXDS oo lagu soo dhaweeyay Dhuusamareeb

May 14, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabbilay Danjiraha Cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabbilay Danjiraha Cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

May 14, 2026

โ€œWaxaan hambalyo u dirayaa Admiraallada, Saraakiisha, Saraakiil-xigeennada, Alifleyda, Dableyda, iyo dhammaan xubnaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha XDS, sidoo kale xaasaskooda iyo carruurtooda, munaasabadda sannad-guurada 61-aad ee aasaaska Ciidankan sharafta leh.โ€

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa xusay in dowladda ay ka goโ€™an tahay xoojinta, tayeynta, iyo taageeridda Ciidamada Qalabka Sida, gaar ahaan Ciidanka Badda, si ay u gutaan waajibaadkooda qaran ee ku aaddan ilaalinta badaha iyo kheyraadka dabiiciga ah ee dalka.

Ugu dambayn, Wasiirka ayaa u rajeeyey Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha horumar, guul, iyo adkeynta wadajirka ay ku difaacayaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Previous Post

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ‘L๐š๐ฆ๐š ๐š๐ช๐›๐š๐ฅ๐ข ๐ค๐š๐ซ๐จ ๐ข๐ง ๐๐š๐๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐œ๐š๐›๐š๐ฌ๐ก๐จ ๐ค๐š ๐ฆ๐ฎ๐ฎ๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐š๐ง ๐š๐๐ž๐ž๐ ๐ ๐š ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š’

Next Post

Ciidamada Gaarka ah ee Danab oo howlgalo ka fuliyey deegaanno hoostaga Jamaame

Next Post
Ciidamada Gaarka ah ee Danab oo howlgalo ka fuliyey deegaanno hoostaga Jamaame

Ciidamada Gaarka ah ee Danab oo howlgalo ka fuliyey deegaanno hoostaga Jamaame

Taliyaha CXDS oo lagu soo dhaweeyay Dhuusamareeb

Taliyaha CXDS oo lagu soo dhaweeyay Dhuusamareeb

May 14, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeyo Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb. Wafdiga uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka XDS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabbilay Danjiraha Cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabbilay Danjiraha Cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

May 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay...

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo isku beddelay Agaasimayaal

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo isku beddelay Agaasimayaal

May 14, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay Agaasimeyaasha Guud ee qaar ka mid...

Urur siyaasadeedka Talo Qarano o bogaadiyay doorashooyinka ka dhacay Koofur Galbeed

Urur siyaasadeedka Talo Qarano o bogaadiyay doorashooyinka ka dhacay Koofur Galbeed

May 14, 2026
0

Gudoomiyaha Urur siyaasadeedka dhallinyarada Tala Qaran, Cabduwali Cusmaan Cabdi ayaa bogaadiyay sida habsamida leh ee ay u dhaceen doorashooyinka isku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In