Monday, July 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray Shirka Warbaahinta iyo Xiriirka Dowladda oo lagu falanqeeyay xaaladda abaaraha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 months ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray Shirka Warbaahinta iyo Xiriirka Dowladda oo lagu falanqeeyay xaaladda abaaraha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa soo xiray Shirka Warbaahinta iyo Xiriirka Dowladda oo lagu falanqeeyay xaaladda abaarta baahsan ee ka jirta dalka iyo doorka Warbaahinta ee wacyigelinta bulshada.

Ka qeybgalayaasha shirka ayaa isku raacay in si buuxda looga shaqeeyo ka hortagga iyo wax-ka-qabashada xaaladda abaarta ee dalka, isla markaana warbaahintu ay qaadato door muuqda oo ka qeybqaata gaarsiinta gurmadka iyo taageerada dadka nugul ee ku nool meelaha ugu daran dalka.

Related posts

Shirka u-diyaargarowga Super El Niño iyo Ka-qaybgelinta Ururrada oo lagu qabtay Muqdisho

Shirka u-diyaargarowga Super El Niño iyo Ka-qaybgelinta Ururrada oo lagu qabtay Muqdisho

July 26, 2026
Madaxda Dekadda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

Madaxda Dekadda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

July 26, 2026

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA wuxuu sheegay in Soomaaliya ay wajahayso xaalad abaareed oo aad u daran, taasoo si weyn u saameysay dhammaan gobollada dalka, gaar ahaan bulshada ku tiirsan xoolaha iyo beeraha. Abaartan ayaa sababtay biyo la’aan baahsan, biyo La’aan, hoos u dhac ku yimid wax-soo-saarkii beeraha, iyo dhibaato soo wajahday xoolo-dhaqatada.

Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa xusay in hoos u dhac ku yimid deeqihii gargaarka ee beesha caalamka, taasoo caqabad ku noqotay dadaallada gurmadka iyo samatabbixinta. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in la xoojiyo isku-duubnida iyo isku-tashiga shacabka Soomaaliyeed si looga hortago in xaaladdu isu beddesho masiibo bani’aadamnimo oo baahsan.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka SoDMA ayaa ugu baaqay warbaahinta qaranka iyo tan gaarka loo leeyahay inay qaataan kaalintooda wacyigelineed, isla markaana ay mideeyaan fariimaha rasmiga ah ee ku aaddan ka hortagga iyo ka jawaabista abaarta, si bulshada loo gaarsiiyo xog sax ah oo mideysan.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Dowladda Qatar

Next Post

Wasiirka Amniga XFS oo Safiirka Turkiga kala wareegay qalab ciidan

Next Post
Wasiirka Amniga XFS oo Safiirka Turkiga kala wareegay qalab ciidan

Wasiirka Amniga XFS oo Safiirka Turkiga kala wareegay qalab ciidan

Shirka u-diyaargarowga Super El Niño iyo Ka-qaybgelinta Ururrada oo lagu qabtay Muqdisho

Shirka u-diyaargarowga Super El Niño iyo Ka-qaybgelinta Ururrada oo lagu qabtay Muqdisho

July 26, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta daah-furay shir wadatashi qaran oo ku saabsan...

Madaxda Dekadda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

Madaxda Dekadda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

July 26, 2026
0

Maamulka Dekedda Muqdisho, oo uu hoggaaminayo Maareeyaha Guud Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko) oo ay weheliyaan Maareeye Ku-xigeennada Dr. Cali...

Soomaaliya oo  Hambalyo u dirtay Jamhuuriyadda Maldives

Soomaaliya oo Hambalyo u dirtay Jamhuuriyadda Maldives

July 26, 2026
0

Munaasabadda 61-guurada ka soo wareegtay Xorriyadda Jamhuuriyadda Maldives awgeed, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Wafdi uu hoggaaminayo musharrax hoggaamiye Liibaan Axmed oo lagu soo dhaweeyay degmada Ceeldheer

Wafdi uu hoggaaminayo musharrax hoggaamiye Liibaan Axmed oo lagu soo dhaweeyay degmada Ceeldheer

July 26, 2026
0

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa maanta gaaray Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In