Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 1–aad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Laascaanood iyo Kaaraan oo ka kala tirsan Gobollada Sool iyo Benaadir. waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Tartameyaasha labada degmoo ee Laascaanood iyo Kaaraan ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.
Laascaanood
Tartameyaasha Degmada Laascaanood ee Gobolka Sool waxaa la weydiiyey todobo Suโaal, todobadii suโaal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Saddex suโaal, halka ay iska qaldeen Afar suโaal, waxa ay ka faaโiideysteenย hal suโaal oo ay iska qaldeen tartamayaasha degmada Kaaraan, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Laascaanood ay heleen waxay noqotay Sideed (08) dhibcood.
Kaaraan
Tartamayaasha Degmada Kaaraan ee Gobolka Benaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo suโaal, waxa ay ka jawaabeen Lix suโaal, halka ay iska qaldeen Hal suโaal, Waxa ay ka faaโiideysteen Saddex Suโaal oo soo hareermartay dhigooda Laascaanood, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Kaaraan waxay noqotay Sideed iyo Toban (18) dhibcood.
Hadaba kulankii 1-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga Labaad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Kaaraan ee Gobolka Benaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi, maadaama ujeedka tartanka uu yahay in lagu tartamo cilmi iyo Aqoon.
Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 2-aad ee tartanka waxaa ku tartami doona Degmooyinka Howlwadaagย iyo Dharkeynley oo ka wada tirsan Gobalka Benaadir.











