Friday, August 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjire Faysal oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo u gudbiyay Madaxweynaha Singapore

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 months ago
in Wararka
0
Danjire Faysal oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo u gudbiyay Madaxweynaha Singapore
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Indonesia ahna Safiirka aan daganeen ee u qaabilsan Jamhuuriyadda Singapore, Danjire Dr. Faysal Axmed Salad ayaa maanta si rasmi ah warqadaha aqoonsiga ugu gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Singapore Tharman Shanmugaratnam, munaasabad ka dhacday xarunta madaxtooyada Dalka Singapore.

Intii uu kulanku socday, Safiirku waxa uu gudbiyey salaan diirran oo uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

Related posts

Wasiirka Amniga Gudaha oo soo xiray tababarka Dufcadda 5-aad ee Ciidanka Darawiishta

Wasiirka Amniga Gudaha oo soo xiray tababarka Dufcadda 5-aad ee Ciidanka Darawiishta

August 13, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Dhuusamareeb

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Dhuusamareeb

August 13, 2026

Danjire Faysal ayaa adkeeyey sida ay Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta diblomaasiyadda dhaqaalaha iyo dhisidda iskaashi miro-dhal ah oo ka dhexeeya labada dal.

Safiirku waxa uu xusay in Soomaaliya ay waddo dib-u-habeyn ballaaran oo lagu xoojinayo nidaamyada sharciyeed, lagu hagaajinayo nidaamka maaliyadeed, isla markaana lagu dhisayo jawi maalgashi oo furan oo la isku halayn karo. Waxa uu ku dhiirigeliyey shirkadaha iyo hay’adaha maalgashiga ee Singapore in ay sahmiyaan fursadaha ku jira dekedaha, kaabeyaasha tamarta iyo isku xirka gaadiidka ee Soomaaliya.

Dhinaciisa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Singapore Tharman Shanmugaratnam ayaa bogaadiyay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsaneyso isagoo ballan qaaday iskaashi si dhab labada dowladood u dhex mara.

Previous Post

Dowladda oo ku baaqday xoojinta habraacyada amniga gaadiidka

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la afuray shaqaalaha Xafiiska

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la afuray shaqaalaha Xafiiska

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la afuray shaqaalaha Xafiiska

Wasiirka Amniga Gudaha oo soo xiray tababarka Dufcadda 5-aad ee Ciidanka Darawiishta

Wasiirka Amniga Gudaha oo soo xiray tababarka Dufcadda 5-aad ee Ciidanka Darawiishta

August 13, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa si rasmi ah u soo xiray tababarka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Dhuusamareeb

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Dhuusamareeb

August 13, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar iyo wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayo ayaa lagu...

Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Kenya

Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Kenya

August 13, 2026
0

Wafti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho, Dr. Ibraahim Maxamed Mursal, ayaa booqasho rasmi ah ku tegay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Agaasimaha Horumarinta UK

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Agaasimaha Horumarinta UK

August 13, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan la yeeshay Agaasimaha Horumarinta Boqortooyada Midowday (UK),...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In