RADIO MUQDISHO(HIIRAAN):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay bariga gobolka Hiiraan, kaas oo qayb ka ah ololaha qaran ee socda ee lagu ciribtirayo maleeshiyaadka Khawaarijta.
Saraakiisha milatariga ayaa xaqiijiyay in weerarka lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Khawaarijta, iyadoo ujeeddadu ahayd in la sifeeyo khataraha haray, la sugo waddooyinka muhiimka ah ee sahayda iyo gaadiidku maraan, isla markaana la hubiyo badbaadada bulshada Soomaaliyeed.
Howlgalkan wuxuu qayb ka yahay dadaallo ballaaran oo isku-duuban oo ka socda bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo lagu xoojinayo guulaha amni ee laga gaaray qaybo badan oo ka tirsan gobolada dalka.










