Saturday, June 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐇𝐒𝐉 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐄𝐫𝐠𝐚𝐲𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦ad𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 months ago
in Wararka
0
𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐇𝐒𝐉 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐄𝐫𝐠𝐚𝐲𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦ad𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow ayaa xafiiskiisa kula kulmay Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa UNSOS, James Swan, iyo wafdi uu hoggaaminayay.

Agaasimaha Guud ayaa la wadaagay wafdiga horumarradii ugu dambeeyay ee Hay’adda ee dhinaca adeeg bixinta, oo ay ka mid yihiin hirgelinta maaraynta amniga xuduudaha, casriyeynta adeegyada danabaysan ee hay’adda sida dal-ku-galka (ETAS), dalku-jooga iyo adeegyada baasaboor bixinta. Agaasimaha ayaa xusay in tallaabooyinkan ay qeyb ka yihiin dadaallada lagu tayeynayo adeegyada, lagu xoojinayo hufnaanta, isla markaana lagu waafajinayo nidaamka socdaalka heerarka casriga ah.

Related posts

Guddoomiye Aadan Madoobe oo guddoomay shahaadada musharraxnimo ee hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Guddoomiye Aadan Madoobe oo guddoomay shahaadada musharraxnimo ee hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

June 6, 2026
Guddiga Doorashooyinka oo bilaabay diiwaangelinta musharraxiinta xilka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo bilaabay diiwaangelinta musharraxiinta xilka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

June 6, 2026

James Swan ayaa uga mahadceliyay Agaasimaha Guud soo dhaweynta diirran iyo wada shaqeynta dhow oo ay la leeyihiin hay’adda. Waxa uu sidoo kale bogaadiyay nidaamyada cusub ee la hirgeliyay, isaga oo muujiyay in ay si wanaagsan u soo dhoweynayaan horumarka lagu sameeyay casriyeynta iyo sugnaanta nidaamyada socdaalka.

Sidoo kale, Ergayga ayaa la wadaagay arrimo la xiriira xaaladaha dal-ku-galka iyo deggenaanshaha ee shaqaalaha Qaramada Midoobay, oo ay ku jiraan shaqaalaha kala duwan ee ka howlgala dalka.

Previous Post

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Next Post

Abshir Cukaash oo dil toogasho lagu xakumay

Next Post
Abshir Cukaash oo dil toogasho lagu xakumay

Abshir Cukaash oo dil toogasho lagu xakumay

Guddoomiye Aadan Madoobe oo guddoomay shahaadada musharraxnimo ee hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Guddoomiye Aadan Madoobe oo guddoomay shahaadada musharraxnimo ee hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

June 6, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta ka guddoomay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo...

Guddiga Doorashooyinka oo bilaabay diiwaangelinta musharraxiinta xilka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo bilaabay diiwaangelinta musharraxiinta xilka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

June 6, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ayaa maanta bilaabay diiwaangelinta iyo qabashada araajida musharraxiinta u tartamaya xilka Hoggaamiyaha...

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Khudbad Ka Jeediyay Shirweynaha 114-aad ee Shaqada Adduunka

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Khudbad Ka Jeediyay Shirweynaha 114-aad ee Shaqada Adduunka

June 6, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Prof. Salim Alio Ibro, ayaa khudbad rasmi ah ka...

Ciidanka Ammaanka oo Degmada Cabdicasiis ka wada howlgal lagu ururinayo hubka sharci-darrada ah

Ciidanka Ammaanka oo Degmada Cabdicasiis ka wada howlgal lagu ururinayo hubka sharci-darrada ah

June 6, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidamada ammaanka ayaa ku guda jira howlgal lagu ururinayo hubkii sharci-darrada ahaa ee ay wateen maleeshiyaadkii soo weeraray Degmada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In