Thursday, May 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xarig jaray xarun loo diyaariyay ka jawaabista xaaladaha degdeg ah ee amniga Isgaarsiinta

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
2 months ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamse oo xarig jaray xarun loo diyaariyay ka jawaabista xaaladaha degdeg ah ee amniga Isgaarsiinta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xarigga ka jaray Xarunta Qaran ee Amniga Saaybarka (SOMCIRT), oo loo diyaariyey ka jawaabista xaaladaha degdegga ah ee la xiriira amniga Isgaarsiinta iyo weerarrada Saaybarka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in daahfurka xaruntan uu muhiimad weyn u leeyahay amniga qaranka, maadaama xilligan ay dunidu si weyn ugu jihaysatay dhanka tiknoolojiyadda, isla markaana ay sii kordhayaan falalka amniga liddi ku ah ee ka dhaca dhanka Isgaarsiinta. Xaruntan cusub ayaa door ka qaadan doonta ka hortagga khatarahaas iyo ilaalinta macluumaadka hay’adaha dowladda iyo guud ahaan dalka.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabbilay Danjiraha Cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabbilay Danjiraha Cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

May 14, 2026
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo isku beddelay Agaasimayaal

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo isku beddelay Agaasimayaal

May 14, 2026

Mudane Xamsa ayaa sidoo kale guul ku tilmaamay hirgelinta xaruntan oo qaabilsan isku-duwidda iyo ka jawaabidda dhacdooyinka amniga saaybarka, iyo diiwaangelinta weerarrada ka dhanka ah tiknoolojiyadda.

Sidoo kale, shacabka Soomaaliyeed ayaa laga wacyigelin doonaa khataraha ka iman kara dhanka isgaarsiinta iyo sida looga hortagi karo.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay wado qorshayaal lagu horumarinayo tiknoolojiyadda dalka.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo jeedisay hirgelinta hay’adaha muhiimka u ah nidaamka isgaarsiinta, kuwaas oo ay ka mid tahay National Communications Authority, oo door weyn ka qaadatay xaqiijinta amniga tiknoolojiyadda iyo horumarinta kaabeyaasha dijitaalka ee qaranka.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta gaaray dalka Tanzania

Next Post

Taliyaha cusub ee Ciidanka Cirka Soomaaliya oo maanta xilka la wareegay

Next Post
Taliyaha cusub ee Ciidanka Cirka Soomaaliya oo maanta xilka la wareegay

Taliyaha cusub ee Ciidanka Cirka Soomaaliya oo maanta xilka la wareegay

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabbilay Danjiraha Cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabbilay Danjiraha Cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

May 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo isku beddelay Agaasimayaal

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo isku beddelay Agaasimayaal

May 14, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay Agaasimeyaasha Guud ee qaar ka mid...

Urur siyaasadeedka Talo Qarano o bogaadiyay doorashooyinka ka dhacay Koofur Galbeed

Urur siyaasadeedka Talo Qarano o bogaadiyay doorashooyinka ka dhacay Koofur Galbeed

May 14, 2026
0

Gudoomiyaha Urur siyaasadeedka dhallinyarada Tala Qaran, Cabduwali Cusmaan Cabdi ayaa bogaadiyay sida habsamida leh ee ay u dhaceen doorashooyinka isku...

Wasiirka cusub ee Warfaafinta XFS ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Wasaaradda

Wasiirka cusub ee Warfaafinta XFS ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Wasaaradda

May 13, 2026
0

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta kormeeray qeybaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In