Friday, October 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xarig jaray xarun loo diyaariyay ka jawaabista xaaladaha degdeg ah ee amniga Isgaarsiinta

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
8 months ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamse oo xarig jaray xarun loo diyaariyay ka jawaabista xaaladaha degdeg ah ee amniga Isgaarsiinta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xarigga ka jaray Xarunta Qaran ee Amniga Saaybarka (SOMCIRT), oo loo diyaariyey ka jawaabista xaaladaha degdegga ah ee la xiriira amniga Isgaarsiinta iyo weerarrada Saaybarka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in daahfurka xaruntan uu muhiimad weyn u leeyahay amniga qaranka, maadaama xilligan ay dunidu si weyn ugu jihaysatay dhanka tiknoolojiyadda, isla markaana ay sii kordhayaan falalka amniga liddi ku ah ee ka dhaca dhanka Isgaarsiinta. Xaruntan cusub ayaa door ka qaadan doonta ka hortagga khatarahaas iyo ilaalinta macluumaadka hay’adaha dowladda iyo guud ahaan dalka.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Mudane Xamsa ayaa sidoo kale guul ku tilmaamay hirgelinta xaruntan oo qaabilsan isku-duwidda iyo ka jawaabidda dhacdooyinka amniga saaybarka, iyo diiwaangelinta weerarrada ka dhanka ah tiknoolojiyadda.

Sidoo kale, shacabka Soomaaliyeed ayaa laga wacyigelin doonaa khataraha ka iman kara dhanka isgaarsiinta iyo sida looga hortagi karo.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay wado qorshayaal lagu horumarinayo tiknoolojiyadda dalka.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo jeedisay hirgelinta hay’adaha muhiimka u ah nidaamka isgaarsiinta, kuwaas oo ay ka mid tahay National Communications Authority, oo door weyn ka qaadatay xaqiijinta amniga tiknoolojiyadda iyo horumarinta kaabeyaasha dijitaalka ee qaranka.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta gaaray dalka Tanzania

Next Post

Taliyaha cusub ee Ciidanka Cirka Soomaaliya oo maanta xilka la wareegay

Next Post
Taliyaha cusub ee Ciidanka Cirka Soomaaliya oo maanta xilka la wareegay

Taliyaha cusub ee Ciidanka Cirka Soomaaliya oo maanta xilka la wareegay

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In