
RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Cusub ee Ciidanka Cirka Soomaaliya Sareeye Guuto C/risaaq Maxamuud Xaaji (Qaloombi), ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka Taliska Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, kadib munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta taliska.
Taliyaha cusub ayaa ballanqaaday inuu dardargelin doono dib-u-dhiska iyo horumarinta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, si ay uga qeyb qaataan sugidda amniga dalka iyo difaaca hawada Soomaaliya.










