Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS ayaa waxa ay si rasmi ah ula wadaagaysaa dadweynaha iyo dhammaan daneeyaasha liiska Nootaayooyinka sharciyeysan ee ka diiwaangashan Wasaaradda sannadkan 2026, kuwaas oo buuxiyey shuruudaha iyo habraacyada u degsan diiwaangelinta Nootaayooyinka dalka.
Wasaaradda Cadaaladda waxay ku boorrinaysaa dhammaan daneeyaasha inay la macaamilaan oo kaliya Nootaayooyinka diiwaangashan, kuwaas oo loo oggolaaday bixinta adeegyada Nootaayada, inta lagu jiro sannadkaan 2026.
























