Sunday, September 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Bayaanka Wadajirka ah ee ku saabsan ku dhawaaqista Israa’iil ee magacaabista wakiil diblomaasiyadeed ee waxa loogu yeero “Somaliland”

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
5 months ago
in Wararka
0
Bayaanka Wadajirka ah ee ku saabsan ku dhawaaqista Israa’iil ee magacaabista wakiil diblomaasiyadeed ee waxa loogu yeero “Somaliland”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Dowladda Qatar, Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, Jamhuuriyadda Suudaan, Dowladda Liibiya, Jamhuuriyadda Dadka ee Bangladesh, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Dadka ee Aljeeriya, Dowladda Falastiin, Jamhuuriyadda Turkiga, Jamhuuriyadda Indonesia, Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, Dowladda Kuwait, Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Mauritania, Boqortooyada Hashimite ee Urdun, Saldanadda Cumaan, Jamhuuriyadda Lubnaan iyo Jamhuuriyadda Yemen, waxay si adag u cambaareynayaan ku dhawaaqista Israa’11l ee magacaabista wakiil diblomaasiyadeed ee waxa loogu yeero “Somaliland”, taas oo loo arko xadgudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirradu waxay mar kale xaqiijinayaan diidmadooda cad ee dhammaan tallaabooyinka hal dhinac ah ee wiiqa midnimada dowladaha ama farageliya madax-bannaanidooda.

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

September 19, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

September 19, 2026

Waxay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen taageeradooda buuxda ee aan leexleexadka lahayn ee ku aaddan midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyo sidoo kale hay’adaha sharciyeysan ee dowladda, kuwaas oo ah matalaadda kaliya ee rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirradu waxay sidoo kale hoosta ka xariiqeen in falalkan ay yihiin xadgudub muuqda oo ka dhan ah mabaadi’da sharciga caalamiga ah, Axdiga Qaramada Midoobay, iyo Axdiga Aasaasiga ah ee Midowga Afrika, isla markaana ay abuuraan tusaale khatar ah oo halis gelin kara xasilloonida Geeska Afrika, taas oo saameyn taban ku yeelan karta nabadda iyo amniga gobolka guud ahaan.

Previous Post

Wasiir Ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Qorsheynta oo si rasmi ah xilka ula wareegay

Next Post

Hoggaamiyaha KMG ah ee maamulka KGS oo qayb galay munaasabadda dhaarinta Wasiirka Cusub ee Beeraha

Next Post
Hoggaamiyaha KMG ah ee maamulka KGS oo qayb galay munaasabadda dhaarinta Wasiirka Cusub ee Beeraha

Hoggaamiyaha KMG ah ee maamulka KGS oo qayb galay munaasabadda dhaarinta Wasiirka Cusub ee Beeraha

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

September 19, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta ka guddoomay nuqul ka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

September 19, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay Shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaasi...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

September 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta ka guddoomay nuqul...

Munaasabad lagu xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Aqoonsiga oo lagu qabtay Muqdisho

Munaasabad lagu xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Aqoonsiga oo lagu qabtay Muqdisho

September 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), kaas oo lagu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In