Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 24th April, 2026
1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka dib ugu soo laabtey, kadib markii uu magaalada Antalya ee dalka Turkiga kaga qeybgaley Madasha Caalamiga ee Diblomaasiyadda.
2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray Xarunta dhexe ee cusub ee Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya.
3- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa daahfuray Mashruuca Xoojinta Adkeysiga Magaalooyinka iyo Is-Dhexgalka Bulshooyinka bBrakacayaasha ah iyo kuwa Martigeliya ee Doolow, kaasi oo muhiim u ah horumarinta nolosha bulshada nugul.
4- Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa meel-mariyey dhismaha xarunta Adeegga Mideysan ee Halmeel oo hoos tagta Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.
5- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Madaxa Xarunta Mustaqbal oo ah Machad ka shaqeeya Daryeelka Carruurta Baahiyaha Gaarka ah qaba.
6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa si rasmi ah u dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta oo lagu horumarinayo tayada waxbarashada dalka.
7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha oo laga dhigay dhisme casri ah oo loogu adeegi doono shacabka Soomaaliyeed.
8- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa xilka u kala wareejiyay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Xuseen Khaasim Yuusuf iyo Agaasimihii hore Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow.
9- Magaalada Muqdisho oo laga furay Xarunta Cilmi-baarista Casriyeynta Shiinaha ee ku taalla Machadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga.
10- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Mudane Cali Xaaji Aadan ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray qeybta Hooyada iyo Dhallaanka ee Isbitaalka Forlanini ee magaalada Muqdisho.
11- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa magaalada Muqdisho ka furay madal looga hadlayey Maareynta Isticmaalka Baraha Bulshada iyo ka Hortagga Si-Xun u Adeegsiga Baraha Bulshada.
12- Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa si rasmi ah u soo xiray tababar loo qabtay 120 askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Cutubka Daraawiishta Booliska.
13- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa furay tababar ay iska kaashanayaan Wasaaradda Warfaafinta iyo Jaamacadda Muqdisho oo ku saabsan cilmibaarista iyo warbaahinta.
14- Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay in la caawiyo beeraleyda dalka ee ay saameeyeen burburka buundooyinka.
15- Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa 33 dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta ku dilay hawlgal ka dhacay degaanka Guulane ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
16- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dalka dib ugu soo celisay 174 muwaadin oo ku dhibaataysnaa dalka Libya.
17- Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Turkiga, Mudane Fatxudiin Cali, ayaa warqadaha aqoonsiga safiirnimo u gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kirgystan, Mudane Sadyr Japarov.
18- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagey Degmada Bardaale iyo deegaanka Awdiinle ee Gobolka Bay.
19- Ururka OIC iyo Hay’adaha Diplomaasiyadda Arrimaha Dibadda ee dalalka Islaamka ayaa si adag u cambaareeyay xadgudubkii Israa’iil ay Safiirka ugu soo magacaawday gobollada waqooyi ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
20- Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Hindiya, Cabdullaahi Maxamed Odowaa , ayaa magaalada Colombo ee dalka Sri Lanka kulan kula qaatay, madaxweynaha Sri Lanka Anura Kumara Dissanayak.
==========DHAMMAAD============










