Thursday, June 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka JFS ee Sacuudiga oo kormeer ku tagay Xafiiska Arrimaha Xajka ee magaalada Madiina

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
2 months ago
in Wararka
0
Safiirka JFS ee Sacuudiga oo kormeer ku tagay Xafiiska Arrimaha Xajka ee magaalada Madiina
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:- Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Boqortooyada Sacuudiga, Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cismaan, ayaa kormeer shaqo ku tagay xafiiska Arrimaha Xajka ee magaalada Madiina.

Kormeerkan ayaa ujeedkiisu ahaa u kuur-galidda habsami u socodka adeegyada loo fidinayo xujeyda Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Madiina, iyadoo safiirku uu kulamo la qaatay mas’uuliyiinta xafiiska Arrimaha Xajka.

Related posts

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

June 18, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

June 17, 2026

Safiirka ayaa bogaadiyey dadaallada lagu daryeelayo xujeyda Soomaaliyeed, isaga oo sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay fududeynta iyo horumarinta adeegyada loo fidiyo muwaadiniinta gudanaya waajibaadka Xajka.

“Waxaan aad u bogaadinayaa sida wanaagsan ee loogu adeegayo xujeyda Soomaaliyeed, dowladda Soomaaliya na waxaa ka go’an inay u fududeyso dhammaan baahiyaha ay qabaan,” ayuu yiri Safiirka JFS ee dalka Sacuudiga.

Dhankiisa, Madaxa Xafiiska Arrimaha Xajka ee Wasaaradda Awqaafta XFS, Dr. Khadar Xaaji Daahir, ayaa uga mahadceliyey safiirka booqashada uu ku yimid xafiiska, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay kormeerka noocan ah.

Sidoo kale, qaybtii ugu horreysay ee xujeyda Soomaaliyeed oo ka kala ambabaxday Muqdisho iyo Hargeysa ayaa gaaray magaalada Madiina, halkaas oo ay ka bilaabayaan gudashada acmaasha Xajka.

Previous Post

Soomaaliya oo gashay wejiga tijaabada ee Nidaamka Xisaab-xirka iyo Lacag-bixinta Gaadiidka Cirka

Next Post

Dowladda Soomaaliya oo ammar ku bixisay in laga guuro dhulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Next Post
Dowladda Soomaaliya oo ammar ku bixisay in laga guuro dhulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Dowladda Soomaaliya oo ammar ku bixisay in laga guuro dhulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

June 18, 2026
0

Xoghaynta Ururka Goboleedka IGAD ayaa adkeysay sida ay uga go’an tahay ilaalinta madaxbannaanida, midnimada, wadajirka dhuleed, iyo madax bannaanida siyaasadeed...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

June 17, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay fanaanka Saalax Sanaag, Abwaan Cabdiraxmaan...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka jeediyey Shirka OOC11

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka jeediyey Shirka OOC11

June 17, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta khudbad ka jeediyay Shirweynaha 11-aad ee Our Ocean...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Afrika

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Afrika

June 17, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In