RADIO MUQDISHO:-Wasiirro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, xildhibaanno, iyo shacabka ku nool magaalada Baraawe ayaa weli safaf dhaadheer ugu jira goobaha codbixinta ee gudaha magaalada iyo deegaanka Ambareesa oo hoostaga degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Doorashada ayaa ka socota 13 degmo oo ka kala tirsan gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.
Dadweynaha ayaa si weyn uga qeyb qaadanaya doorashada, iyadoo goobaha codbixinta ay ka muuqdaan mashquul iyo dadweyne fara badan oo u taagan dhiibashada codkooda.























