Monday, May 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Amniga Gudaha oo Muqdisho ka daah-furay tababarka macallimiinta Booliiska Soomaaliyeed

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
1 hour ago
in Wararka
0
Wasiirka Amniga Gudaha oo Muqdisho ka daah-furay tababarka macallimiinta Booliiska Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga daah-furay tababarka macallimiinta Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, kaas oo qayb ka ah barnaamij wadajir ah oo lagu xoojinayo xasillinta iyo awood-dhisidda hay’adaha amniga, gaar ahaan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed (SPF).

Barnaamijkan oo ay maalgelinayso Dowladda Japan ayaa lagu qabtay Dugsiga Tababarka Booliiska ee Jeneraal Kaahiye, waxaana diiradda lagu saaray horumarinta tayada iyo xirfadaha macallimiinta iyo saraakiisha booliiska, si loo xoojiyo adeegyada amniga, ilaalinta shacabka, iyo tayeynta nidaamka tababarrada.

Related posts

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo dhiggiisa dalka Malawi oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo dhiggiisa dalka Malawi oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

May 18, 2026
Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeyb galay furitaanka Shirweynaha 79-aad ee Caafimaadka Adduunka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeyb galay furitaanka Shirweynaha 79-aad ee Caafimaadka Adduunka

May 18, 2026

Tababarku wuxuu socon doonaa muddo 10 maalmood ah, waxaana inta uu socdo lagu xoojin doonaa aqoonta iyo xirfadaha macallimiinta si loo horumariyo tayada tababarrada Booliiska Soomaaliyeed.

Tababarkan ayaa sidoo kale si tartiib-tartiib ah loogu baahin doonaa gobollada dalka, si loo xoojiyo awoodda iyo tayada Ciidanka Booliiska ee heer gobol iyo heer degmo.

Munaasabadda furitaanka waxaa ka soo qeyb galay Ku-simaha Madaxa AUSSOM ahna Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (SRCC), Danjire Mouktar Osman Karie, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Maxamuud Maxamed (Garaar), Taliyaha Booliiska AUSSOM AIGP Hillary Sao Kanu, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan SPF iyo AUSSOM.

Sidoo kale waxaa goobta joogay Isku duwaha Mashruuca Japan ee Wasaaradda Amniga Gudaha iyo AUSSOM, Cabdicasiis Cabdiraxmaan Yuusuf, Isku duwaha Booliiska AUSSOM ACP Dr. Samuel Asiedu Okanta, Madaxa Qorsheynta iyo Tababarrada SPF G/dhexe Axmed Maxamed Maxamed, iyo Taliyaha Akadeemiyadda Tababarka Booliiska Jeneraal Kaahiye, Jeneraal Mukhtaar Gaabow Xasan.

Masuuliyiintii ka hadlay munaasabadda ayaa si wadajir ah u soo dhaweeyay barnaamijka, iyagoo carrabka ku adkeeyay muhiimaddiisa ku aaddan kor u qaadista xirfadaha, tayeynta adeegyada booliiska, iyo xoojinta hay’adaha amniga.

Barnaamijkan ayaa si guud diiradda lagu saaraya horumarinta hufnaanta hay’adaha, awood-dhisidda shaqaalaha amniga, iyo taageeridda dadaallada nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, isagoo muujinaya iskaashiga sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Dowladda Japan, Midowga Afrika iyo DFS.

Previous Post

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo dhiggiisa dalka Malawi oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Wasiirka Amniga Gudaha oo Muqdisho ka daah-furay tababarka macallimiinta Booliiska Soomaaliyeed

Wasiirka Amniga Gudaha oo Muqdisho ka daah-furay tababarka macallimiinta Booliiska Soomaaliyeed

May 18, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga daah-furay tababarka macallimiinta Ciidanka Booliiska...

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo dhiggiisa dalka Malawi oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo dhiggiisa dalka Malawi oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

May 18, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa khadka taleefoonka kula...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeyb galay furitaanka Shirweynaha 79-aad ee Caafimaadka Adduunka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeyb galay furitaanka Shirweynaha 79-aad ee Caafimaadka Adduunka

May 18, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E. Dr. Ali Haji Adam Abubakar, ayaa maanta ka qeyb...

Golaha Wasiirrada XFS oo meelmariyay sharciyo muhiim ah

Akhriso bayaanka Shirka Golaha Wasiirada

May 17, 2026
0

Shirka Golaha Wasiiradda Xukuumadda JFS oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa lagu meelmariyay hawlo qaran oo muhiim...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In